GABAYGII IYO GABYAAGII OO BUUHOODLE JOOGA

0
190

Dadka intiisa badan meesha ay ku dhashaan ayaa ay ku koraan. Balse tiro aad u yar ayaa ay duruufo ka la duwan ka kexeeyaan meeshii ay xudduntoodu ku duugnayd oo deegaan kale oo durugsan ama dhow ku barbaara.

Sidaas oo ay tahay qofkaasi meeshii uu ku dhashay ma illoobo ee beerka ayaa ay ka ga taal. Haddii ay weli waalidkaa iyo qoyskiinu joogaan meeshii aad ku dhalatay, jeerkaasna ay deegaanada kale ee ku xeeran jaadgooni wax dheer tahay inaad jacayl xad dhaaf ah usii qaado waxa ay ka mid tahay abuurta aadamaha.

Buuhoodle, oo ay labadayda waalid oo laba qoys oo caanka ah ka soo kala jeedaa isku calfadeen ayaa aan ku dhashay. Meesha uu qofku ku dhasho waa aqoonsigiisa qofnimo ee la gu garto. Mallahayga waa meesha aan ka hiddaysanayo astaamo badan oo xoriyad jacaylku ka mid yahay.

Sidaas darteed, aqoonsigaygii oo horumar samaynaya waa aan ku qasbanahay in aan ku farxo. Waa aan jeclaa in aan munaasibadaas goobjoog ahaado, balse waqtiga ayaa ii saamixi waayay.Reer Buuhoodle, waa ku boggaadinayaa tallaabada ay dhanka horumarka u qaadeen. Waa in ay dadaalka sii labanlaabaan, oo dib-uhabayn bulsho oo dhan walba ah, oo baaxad leh u tafaxaytaan. Waa in ay isku tashiga sii wadaan oo si dhab ah u oggaadaan deegaan iyo dad dhan in ay muraayad u yihiin oo xil degmo ka wayni saaran yahay.

Advertisement

Buuhoodle waa hoyga gabyaaga oo Sayid Maxamed, Cali Dhuux, Ismaaciil Mire, Aadan Carab, Samatar Baxnaan, Cumar Cigaal, Bidhiidh Qamaan, Axmed Dirrir, Yuusuf Suusle, Duubi Deero, Maxamed Dayl, Cambaro Nuux iyo boqolaal kale oo rag iyo dumarba leh ayaa ka dhex gabyay oo ilaa hadda ka dhex gabya. Sumcaddaas suugaanta iyo ta xornimo ee ay dhiigga u daadiyeen waa in ay u noqdaan ceelal shiidaal ah oo ay horumar ku gaadhaan, inta wanaagsanina ku garab istaagaan.

Noolaada. Noolaada. Qoraalka ma sii wadi karee aan halkaas ku joojiyo, indhahayga ilmo kalgacal baa isku soo taagtaye, inta aannan sidii odaygii reer Puntland oohin af labadiis qabsan. Lol.

WQ/ Aadan Jamac Oogle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here