Amar culus oo lagu soo rogay dhammaan dadka Mareykanka

0
34

Muqdisho (Walwaal Online)- Xilli ciidamada dembi baarista Mareykanka ay wali ku raad joogaan dadkii weeraray aqalka Kongareeska, ayaa dhanka kale isla xubnaha Dimuqraaddiga ee ka tirsan aqalkaasi waxay sheegeen inay ku raja weyn yihiin xil ka qaadista madaxweyne Trump.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareeska, ayaa waxay madaxweyne Trump ku eedeysay in uu sabab u ahaa rabshadihii ka dhacay dhismaha Capitol.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,”

Waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu ku hadlay arrin aan madaxweyne laga fileyn, isaga oo kaddib weerarkii Capitol farriin uu bartiisii Twitter-ka ugu qoray dadkii soo qaaday weerarkaas ku yiri “waan idiin jeclahay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here