Waxaan ahaa wiil yar oo adhiga ka adag, maskaxdaydana waxa ku duubnaa tobannaan hees dhaqameed. “Mulacoow hashii mayay maaragteen,” “Beri reerkayagu guur haawiyee,” “Maqaleey warlaay,” “Haantii qabooy qooryar,’’ “Garooy maadahaa’’ iyo kuwo kale oo badan, oo ay mid kastaa luuq gooni ah leedahay, ayaan ku madadaalan jirey. Waa heeso ku qotoma fahanka deegaankii iyo noloshii igu dayrnayd ee xoolo-raacatada, nuxur gaar ahna way ii samaynayeen. Heesahaasi waxa ay qaabeeyeen dhadhansigayga suugaaneed, waxaanay igu leeyihiin raad faneed oo illaa maanta cagaar ah.
Waxaan ahay kurey reer magaal ah oo ciyaalo mac’had ah. Waxaan dhigtaa manhajka dalka Sucuudiga. Waxaan dusha ka qaybsanahay juquraafiga, taariikhda iyo dhaqanka Sucuudiga, oo ku baxa afka Carabiga! Waxaan dhigtaa duruusta Islaamka sida tafsiirka, tawxiidka, musdalax xadiiska iyo fiqiga oo ku taagan fahanka mad’habka Xanbaliga ah iyo akhriskiisa Salafi/Wahaabiga ah. Waxyaabo badan oo nolosha xalaal ka ahaa, ayuu dugsigu na baray inay xaaraan maqdac ah yihiin, sida sawirrada iyo heesaha. Hagoogta dumarka oo aan shalmad ku aqaannay, ayaa niqaab dedan mar qudha isu beddeshay.
Mar keliya ayaan ku war helay aniga oo badhtanka kaga jira dagaal u dhexeeya laba Cali. Waa Cali marka uu suuqa iyo xaafadda joogo heesaha dhagaysta habeen iyo maalin. Cali marka uu fasaxa miyiga tago, aan ka baaqan aroos, ee habeen kasta gaaf shidan u ciyaarguda. Iyo Cali wadaad ah, oo la ashqaraarsan nolosha salafkii suubbanaa. Waa salaf u eg malaa’ig dhulka saddex qarni oo keliya soo martay! Laba cod oo hoose ayaa ruuxdayda ku dagaalsanaa. Mid i leh nolosha dabiiciga ahi waa taadii carruurnimada, iyo cod i leh nolosha daahirka ahi waa tii salafka. Codka hore waxa uu guulaysan jirey inta aan bannaanka jiro, codka dambena inta aan fasalka joogo.
* Suugaantayda iyo Heesaha
Dugsigii sare oo ku baxayay manhajka Suudaan, markii aan dhammeeyay waxa aan deeq waxbarasho u tagay dalkaas. Waxaan dhex tegay dad iyo dal fanka la nool, oo i xasuusiyay noloshii dhallaannimo. Dagaalkii labada cod ee hoose u dhexeeyay, waxa markan reeyay codkii carruurnimo, halkaas ayaanu muddo ku aamusay codkii salafiga ahaa. Waxaan noqday halabuur, waxaanan tiriyay tixo badan oo fanka suugaanta weynaynaya.
Ciddii rabta aragtidayda dhanka fanku ha raadsadaan diiwaankayga Halhaysreeb, oo ha isbarbardhigaan tixaha aan heesaha ugu hiiliyay iyo tan aan kaga soo horjeeday, kadibna kii cufnaada ha qaataan.
Fanku wuxuu la doolaaqsan yahay diifta uu qabo e
Door buu bulshada uugu jirey kaalin dadabeede
Dakhar caashaq baa lagu dhayaa doogta xiisaha e
Nafta diiqaddaa kaga baxdiyo daalka hawlaha e
Dadka wuu walaalayn lahaa qaar ba meel dagaye,
Dad u heellan waa’ buu lahaa oo daryeel tirine
Duncarbeed qaraamkuu unkaan sii dugsanaynaaye
Qarshe doobbi xoorliyo ka maal deexda heesaha e
Dubbad baa hormuudkii ahaa daadahayn jiraye
Midho doora ina Kaarriyaa daayinkeen baraye
Danankii Mushteeg waxa bedelay qaar dannaahiya!
– Dogobqooye
Waa caways-cawayskaan
Cajabeey cajiibeey
Curub lix iyo toban jira
Heesaha cishqiga badan
Cajalkooda daareen
Ku celceliya odhan jiray.
– Fiidcawl
Tixdiyo heestu waaba tiir culusoo
Bulshada tabantaabo teed u ahee
Ha tirin eraygii turxaan badan.
– Talo
Marna hoobal jiitoo
Heesaha qaraamkaa
Hoobeey ku qaadoo
Halhaleel dadweynuhu
Ugu soo hirtaanoo
Lagu wada hadaaqoo
Kolna loo hanjabayoo
Hal xadiis daciifiyo
Huuhaa nin weriyaa
Fanku waa hallow iyo
Hawlaha iblayskee
Ka hadh uugu baaqoo
Farxad heello gelisiyo
Hirwo looga dhaartoo,
Cadho huursan laabtiyo
Hibo qaadhay baan ahay.
– Kala-haab
Qaraamka ciddaada maanka
Sidii Maandeeq codkeeda
Amaba candaleebka Faysal
Caqliga xanxantada ku beera
Markaan cokanaan dhagaysto
Heestaydaay dhegaha ii cul.
– Heestaydaay Dhegaha ii Cul
Ciil iyo Riftooniyo
Carwo iyo Rogaaliyo
Codadkii qaraamkee
Ruuxdayda cariyiyo
Calmashada dhagtaydiyo
Cuudkaan ku dhaatay.
Carshigii jamaalkiyo
Cajabeey cajiibeey
Curub lix iyo toban jira
Heesaha cishqiga badan
Cajalkaan ku dhaatay.
– Wadne Caashaq
* Qalbiga heesaha ka maydh
Xagjirnimadu waxay ku darartaa duruufta iyo saboolnimada. Gu’gii 2017 waxaan baagamuundo ku ahaa magaalada Hargeysa, ayaankaygii shaqaduna wuu raagay. Taasi waxa ay keentay xisaabahayga ruuxiga ah in aan dib ugu noqdo, aniga oo dareensan in dayn laygaga lahaa. Waxa i dul timi daruur xagaa, dabaysheedu ka timi dhankaas iyo Najid. Codkii dugsiga ee Salafi-Wahaabi ayaa markan dusha soo maray. Dabeecaddaas ayay ku dhalatay maansada dhifaadka ah ee “Qalbiga heesaha ka maydh.”
Aragtida Islaamka ee fanku way ka balaadhan tahay fahanka mad’hab gaar ah, bal se waxa unuunkayga mar kasta ku soo maaxanaya biyihii kululaa ee dugsiga hoose!
Haddii uu Hadraawi necbaa tixda “Todobaatan midabley,” Gaarriyena uu jidhdiido “Ka kufriyay jacaylkii,” Shubena uu diiwaankiisa ka masaxay “Ergo Daarood,” Cali ahaan maansada “Qalbiga heesaha ka maydh,” waa ii turaanturro suugaaneed, oo aan jeclaan lahaa in xusuustayda laga tirtiro. Haddii waqtigu dib ii celiyo waxaan ka dhigi lahaa, “Qalbiga heesaha ku maydh.”
* Fanka iyo Fannaanka.
Ka warran haddii maanta la isku halbeego muslimka iyo Islaamka. Waxa buuxa dad muslin ah oo tuugo, daalimiin, sirkhaamiin iyo xumaanlow oo dhan leh; balse Islaamku waa diin daahir ah. Ka warran haddii aynu nidhaahno muslimiinta waxa ku badan beenaalayaal, markaa Islaamku waa been! Isla caqliyaddaas ayay adeegsadaan dadka dhaha fannaaniintu waa balwaawiyiin nolosha ka dhacay, oo mugdijoog ah, sidaa darteed fanku waa hoyga fisqiga. Dhibtu fanka maha ee waa fanaanka, waa fanaanka Soomaaliga ah. Fanaaniinta dunidu waa dad hanti leh, tusaalayaal ah, oo mabaaddi u nool.
Fanku waa farshaxanka nolosha qurxiya, nolol bilaa fan ahina waa nolol aan qurux iyo farxad lahayn.
“Dheh yaa xaaraantinimeeyay quruxda Eebbe u soo saaray addoomihiisa, iyo risiqa kiisa wanaagsan.” Al Acraaf 32.
“قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ ” الأعراف 32
* Gunaanad
Wadaad khudbad Jimce noo akhriyay ayaa maalin dhowayd ku dooday Quraanka iyo heesuhu qalbiga ma wada galaan! Taasi waa been cad. Quraanku waa hadalkii Ilaahay, heesuhuna waa hawraarta dadkii Ilaahay, ma jirto isdiiddo halkaa ku jirtaa, waa haddii aan tixda xumaan loo adeegsan, sida tiraabtaba xumaan loogu adeegsan karo.
WQ: Cali Ileeye