Ballanteennu waa Laascaanood oo la isugu yimaaddo.

0
48

Maanta ayaa aan 30 jirsaday. Ammaan, mahad, iyo weynayn oo dhan waxaa iska leh Rabbiga caalamiinta abuuray, leh, una taliya. ‘Isgoyska Shuhadada’ guri u dhaw oo u jira 200 oo tallaabo ayaa aan ku dhashay markii ay taariikhdu ahayd Axad, Jeenaweri 24, 1993, salaaddii Subax kadib, 05: 50 aroornimo.

15 sanno oo xidhiidh ah oo cimrigayga kamid ah Laascaanood baa aan ku soo qaatay. Aniga oo waxbarashadu meel wacan ii marayso, aniga oo kamid ah ardada Laascaanood kuwooda kaalinta kowaad caanka ku ah haddii ay dugsi tahay iyo haddii ay mac-had tahay, Maammulka Isaaq baa xoog iyo xeelad ku qabsaday carradii aan jeclaa ee aan ku soo barbaaray. Isla maalintii ay la wareegeen maammulkeeda oo ahayd Isniin, Oktoobar 15, 2007 baa aan aniguna bilaabay halganka aan ilaa maanta wado.

Guuto kowaad baa aan ku biiray, aniga oo kamid ahaa madaxdii dhallinyarada jihaynaysay. Waxa aannu ku hubaysnayn dhagxaan ay tuurayaan qalbiyo nool oo gobannimadu ku weyn tahay. Maalmo adag oo xanuunkooda leh kadib, aniga iyo ehelkaygu Ballihadhac baa aannu u qaxnay–aniguse’ muddo kadib dib baa aan Laascaanood ugu soo laabtay. Talo hooyaday ka timid baa aan uga baxay Laascaanooddaydii aan indhahayga ka jeclaa. Ilaa markaa iyo markan magaalooyin kala duwan baa aan ku soo noolaaday waxbarasho iyo shaqaba.

Dhagaxii aan sitay qalin iyo qoraal baa aan ku baddalay iyo shirar kala duwan oo aan agaasimo. Qalinkaygu ma noqon mid daala, mid quusta, mid la iibsado, mid baqa, iyo mid isbaddalaba. 15-kii sanno ee aan Laascaanood ka maqnaa ee aan halgamayay faa’iidada ugu weyn ee aan ka faa’iiday waa in aan si’ fiican u bartay waxqoridda, darajo sarana ka gaadhay.

Advertisement

Waxa aan Rabbi uga mahadnaqayaa in uu i sugay oo uusan iga dhigin horgale, iyada oo ay jirtay xilal iyo shaqooyin la ii soo bandhigay. Waxa aan Rabbi uga mahadnaqayaa in uu igu simay in aan soo gaadho xilli dadkaygii israaceen, midnimo yeesheen, kacdoon dhab ah dhaliyeen, rabitaankooda caddeeyeen, diyaarna u yihiin in ay gobannimadooda naf iyo maalba u huraan. Waxa aan Rabbi uga mahadnaqayaa aniga oo aad u xanaaqsan oo ciil iyo cadho badan qaba in uu wanaajiyay akhlaaqdayda, dadnimadayda, iyo aqoontayda.

Ballanteennu waa Laascaanood oo la isugu yimaaddo.

#HalgankiiMidnimada

#AmaNololXorAhAmaGeeriXaqAh

#KacdoonkaDhallinyaradaDhulbahante

#KacdoonkaBuluuggaAh

#DaraawiishStateOfSomalia

W/Q: Maxamed Samiik

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here