Been, Been iyo Qof Been ah

0
203

.

I am Norwegian, I am British, I am Canadian, I am American, I am……………kuli been.

Dhacdadii Hotel Xayaat, ayaa kashiftay wax badan. Baraha Bulshada ee Dalka Norway ayaa lagu soo qoray in Dacdadaa ey ku geeriyoodeen Laba Qof oo Norwegian ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Demoqaradiga Norway ( Norwegian Democratic political party ) Mr. Geir Ugland Jakobsen ayaa yiri: Ma jirto Laba Qof oo Norwegian ah oo halkaa ku geeriyooday. Norwegian Laguma noqdo warqado, Somali iyo Norway ma wadaagaan maslax iyo Diig ( mental and Genetic). Umaba tacsiyeynayo Dadka kuwaa qaraabada la ah ee nagula nool Norway. Norwegian ma ahan Dad Jeebka ku wato Sabuulo Ganleey.

Advertisement

waxaa noo yimid Somali Qaxooti ah, Dalkoodii ayeeyna u noqdeen iyaga oo wato dhaqankoodii hore, lagana yaabo in eynan Luqadda Norwayba si fiican u aqoon. kuwaa uguma yeeri karno Dad Norwegian ah.

Norwegian waa Dad Dhaqan, Fir Asal ah iyo Luqadba wadaago, kuwaa oo kaliya ayaa mudan in la difaaco .

Mar wax laga weydiiyay Dadka Ajaanibta ahaa Asalkoodii, ee xilal ka qabto Reer Galbeedka sida Madaxweyne Obama. waxa uu yiri: taasi waa iska siyaasad Dadka lagu soo jiidanayo ee Awood male. Obama maba la yaqaan Asalkiisa.

Mr. Geir. waxaaba ka roonaa Anniken Huit Feldt oo u hadalay Dowladda Norway una tacsiyeeyey Dadkii qaraabada la ahaa Labadaa Qof ee ku geeriyooday Hotel Xayaat.

FG: waan ogahay Duruufo ayaa ku geeysay Dalka aad u qaxday. wadanka aad u qaxday ka soo qaraabo, wax ka soo baro, laakin ogoow, Dal waa Dalkaagii Hooyo.Warqad Laguma nogdo muwaadin Dhab ah ee Dal kale.waxaad tahay in Hebel oo Reer hebel ah oo Somali ah Naftaada been ha u sheegin, ha ku faanin I am…………hana ka faanin walaalahaaga Asalka ah.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here