Beerista dhirtu waa shay ku weyn islaamka

0
47

Geedka idiin muuqdo waxaa la yiraahdaa velvet bean waana mid ka mid ah shan abuur oo aan rabno in aan gaarsiinno 100 magaalo oo soomaaliya ka mid ah.

Labo sano ka hor waxaa ii yimid maxamed Soomaali oo ah saaxiibkay oo ii sida abuur yar oo la tirin karo oo bac yar ku guntan, waxaana uu igu yiri waa abuur digir ah qolo haayad ah ay bixisay. Aqoon uma lahayn digirta velvet, waligay ma aan maqal, mana waydiisan maxamed, laakiin waxaa uu ogaa saaxiibkay in aan wax beerbeero.

Bacdii yarayd markii ay cabbaar miis dushiis saarnayd oo qaarna ay iska daateen ayaan maalinkii dambe abuuray qayb ka mid ah.

Waxaa cajiib ahayd degdegga ay ku soo dhalatay, maadaama aan soomaali ah ahay waxa degdegga ku dhashaa waan ka jeclahay kuwa daaha haba tayo sarreeyaane, halkaa ayuuna jaceylkeenna ka biloowday aniga iyo digirta Mucuna.

Advertisement

Halkaan ka akhriso waxyaabaha digirta velvet laga ogyahay oo qaar ka mid ah laftayda aan ka bartay.

Velvet bean( mucuna prurient) waa digir xargo leh oo dhulka ku faafta geedahana saloolata. Waa geed carcar ku kora oo caleen iyo xarggo badan leh.

Digirta waxaa ay gashaa saddex kaalin oo muhiim ah: cunto, calaf iyo wanaajinta deegaanka. Sabuulka curdanka ah, miraha iyo fiidda hore ee laamaha intuba waa lacuna.

Velvet bean waxaa ay leedahay daaqsin iyo calaf la kaydin karo, sidoo kale miraheeda iyo sabuulkeeda ayaa inta la riiqo laga yeeli karaa daqiiq leh barootiin sareeyo oo la siin karo nooc kastaa oo xool ah.

Digirtan asal ahaan waxaa ay ka soo jeeddaa wadamo aasiya ah oo ay ka mid tahay Malaysia, haddase caalamka intiisa badan waa laga beeraa.

Beeralayda dhulka biyaha yar ama nafaqada carradooda ay hoosayso waxaa ay ka goosan karaan xad macquul oo ay adagtahay dalag kale in ay ka helaan

Digirtaan Hectare kii waxaa laga goosan karaa ilaa 30 tan oo calaf ah iyo ku dhawaad saddex kun oo kiilo oo miro ah.

Markii digirtaan loo rabo calaf xoolaad waxaa gooynteeda la billaabaa 100 ilaa 120 maalin ka dib abuurkeeda.

Wixii intaa ka dambeeyo shantii todobaadba mar ayaad guranaysaa.

Sida sawirkaan aad ka aragtaanba digirtaan waxaa ay si degdeg u dabooshaa dhulka haddii ay tahay caleen qoyan iyo mid dhacday oo qalallanba,sidaa darteed waxaa la rumaysanyahay in ay tahay mid dhawrta carrada dhulka.

Sida digirta kaleba velvet waxaa ay kor u qaadaa nafaqada carrada.

Marka la fiiriyo adkaysiga iyo korridda degdegga ah digirtaan waxaa ay noqon kartaa mid ka jawaabta baahiyaheenna calaf iyo cunto.

W/Q:- Bashir Hassan Hussein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here