Ciidamada ay Dowladda geysay Magaalada Jowhar ayaa safar dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdish

0
748

Ciidamo Aad U Hubaysan Oo Wata Gawaarida Gashaaman Ayaa Tegey
Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabeelle.

Ciidamada ay Dowladda geysay Magaalada Jowhar ayaa safar dhulka ah uga
baxay Magaalada Muqdisho, waxayna mareen waddo qardo jeex ah oo aan
aheyn wadada laamiga ee isku xirta muqdisho iyo jawhar .

 Ciidamadaan oo ay Dowladda Soomaaliya geysay Magaalada Jowhar, ayaan
hadana la ogayn sababta ka dambaysa in ciidamo lagu daabulo jawhar
waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay waqtiga doorashada
HirShabeelle oo soo dhawaatay.

Sidoo kale xilliga ay ciidamadaan tageen magaalada Jowhar ayaa kusoo
beegmaya xilli ay magaalada kawada maqan yihiin saddexda mas’uul ee
ugu sareysa sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisaba.

Advertisement


Waxaana la hadal hayaa inuu khilaaf ka dhaxeeyo madaxda ugu sareeyo
maamulka HirShabelle, iyadoo uu socdo olole waqti kordhin loogu
samaynayo madaxweynaha hirshabeelw maxamed cabdi  Waare oo uu
xiligiisu gebo gebo ku dhow yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here