Ciidamada Sacuudiga oo soo riday toboneeyo diyaaradood oo Xuutiyiintu lahaayeen

0
70

Muqdisho (Walwaal Online)- Ciidamada Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen illaa 10 diyaaradood oo kuwa meelaha fog fog laga hago ah oo ay leeyihiin maleeshiyada ururka hubeysan ee Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

War kasoo baxay taliska ciidamada boqortooyadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka ay hawada ku bur buriyeen toboneeyo diyaaradood kuwaasoo ujeedkoodu ahaa inay duqeeyaan magaalooyin Sacuudiga ku yaala.

Warbaahinta dawlada ayaa sheegtay in diyaaradahaan markii lasoo ridayay ay qaarkood ku socdeen magaalada caasimada ah ee Riyadh.

Muuqaalada warbaahinta soo bandhigtay waxaa ka muuqda burburka diyaarado uu ka sawiranyahay calanka Iran oo dhex yaala xero ay ciidamada Sacuudigu ku leeyihiin goboka Jiisaan la yiraahdo

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here