Ciidamada xoogga oo Gedo ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

0
37

Muqdisho (Walwaal Online)- Ciidanka xoogga dalka oo maanta howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere, ayaa waxaa ay ku bur buriyeen saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah saraakiisha sare sare oo ka tirsan Alshabaab kaas oo ciidanka soo bandhigeen meydkiisa.

Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab ay ku sugnaan jireen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here