Collaado af-duub ah oo ka soo cusboonaaday waddada isku xidha Hiiraan & Galguduud

0
56

Muqdisho (Walwaal Online)- Gabi ahaanba waxaa go’ay iso socodkii Magaalooyinka Guriceel iyo Baladweyne kadib markii ay soo laab laabteen Afduubyo kadhacay Tuulooyin Hoos yimaada Labada Magaalo, afduubyadaan ayaan aheyn kuwa kala soocneen madaama Dad iyo Duunyaba la kala  afduubtay

Isbuucyo kahor ayaa Deegaanka maxaas ee Gobalka Hiiraan waxaa lagu afduubtay 5 ruux oo deegaan ahaan kasoo Jeeda  Degmada Guriceel, waxaama madax furasho ahaan looga qaatay lacag ku dhow konton kun oo doolar (50000), maalmo kadib deegaan hoos yimaada Degmada Matabaan ayaa dad shacab iyo gaarigii ay saarnaayeen ayaa Maleeshiyaad  afduubteen iyadoo loo dekanaynaayo afduub ka dhacay Degmada Maxaas, isla caawa ayaa afduub daba socdo kan matabaan waxaa labo gaari iyo dadkii saarnaa loogu geystay deegaanka ceelgaal oo dhaca laamiga Xariiriya Matabaan iyo Baladweyn

Guud ahaan waxaa istaagay Ganacsigii Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele waxaana laga Cabsi qabaa in Nolasha labada Shacab saameen ku yeelato maadama ay isku tiirsanaayeen wax kala Gadasha Shacabka labada Maamul

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here