Dadka Eebahay uumay way ugu aqoon liitaan.

0
29

Waxaan dhawr jeer oo kala duwan isoo wacay dad aan qaraabo nahay oo Hargeysa iyo Burcaba jooga, waxa ay ku doodayaan in dulmiga Muuse Biixi ama nidaamku ka geysanayso dhulkayaga aan laga dhigin mid qabiilka Isaaq ku wada socdo, ama raalli ka wada yahay, taas oo gef igu noqon karta, sida ay ku doodayaan maadaama abti loo yahay. Kkkkkk

Borrobiyo waa dooddii Xildhibaan Axmed Khaliif. Anna hal su’aal uun ayaan ku celiyaa, oo ah xuduudka reerkiinnu ma Oogbaa mise yoocada? Haddii uu Oog ku jawaabo, waa laga yaabaa in sida Buurmadow nin tolkii u tudhaya uu yahay, balse waxaa la gudboon talada aniga uu i siinayo in uu geliyo tolkii uu na soo rarto intii la layn lahaa. Haddii Yoocada uu u yaqaan xadka reerkiisana waa munaafaq is bihinbihinaya, oo gacan mudan.

Shacabka Isaaq bishaa Laascaanood shaqaaqada iyo xasuuqu ka taagnaa way hadlayeen, dad farakutiris ah oo weliba qaar munaafaqad ay ka ahayd sida Gadhweyne mooyee, intooda kale oo culimo leh, Siyaasiyiin leh, isimo leh, dhalinyaro leh, haween leh, waxa ay ka sinnaayeen aabbihadal iyo dholohtan, iyaga oo mar kasta ku soo celcelinayey “reer Laascaanoodow naddiina ilaashada, haddii kale meel fog ayaa laga dooni doonaa!”. Ma mooddaa in nafta Dhulbahante ay u hayaan, ama abaar iyo aaran ay u kala doori karaan!

“War Daarood ciddii aan ahayn hays daweriyaan

Advertisement

Dibaddana ha keenaan waxay daafad helayaan”.

Waa edyad, kibir, iyo akhlaaqxumo gacan in lagaga jawaabo ayan ka fursanayn hadallada maalinlaha ah ee Hargeysa iyo Buracaba laga caadaystay, waana wax rikoodhka geli doona oo aan xisaab la’aan doonin.

W/Q: Shaafici buraale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here