DEG DEG-Sarkaal Awood badan ku leh NISA oo ka badbaaday Qorshe lagu dili lahaa

0
811

.

Waxaa xog soo baxday ay muujineysaa in shalay uu gudaha magaalada Muqdisho dil kaga badbaaday Taliyaha dabagalka NISA Col. Cabdullahi Daahir, kaasi oo kamid ah xubanaha awoodda badan ee sirdoonka Soomaaliya.

Ilaha dhanka amniga ah ee warkaan laga xigtay ayaa sheegay inuu Col. Cabdullahi Dheere ku sugnaa xilliga dilka lala damacsanaa ka badbaadayay Hotelka Air-port-ka Muqdisho, inkasta oo ay ka gaabsadeen nuuca uu ahaa iskudayga dil ee Taliyuhu ka badbaaday, iyagoo intaa ku daray in baaritaano hordhac ah durba la bilaabay.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in villa Soomaaliya ka danbeeyso khaarijinta sarkaalkan kadib markii uu la saftey RW Rooble, xilli khilaafka madaxda sare uu gaaray in markale Muqdisho qeybo kamid ah la wareegaan ciidamo gadoodsan.

Advertisement

Sarkaalkan ayaa la rumeysanyahay inuu kamid yahay xubnaha ugu dhawaa Farmaajo kana haya xog badan oo ku aadan qorshooyinka u degsan, kiisas qarsoodi ah iyo arimaha ciidamada oo dhamaan siyaasiyiin badan iyo qobaro caalami ah baadi goobayaan xogahaasi.

Shaqsiyaad ka agdhaw NISA ayaa tilmaamay in cabsi laga qabo Cabdullahi Dheere inuu dusiyo xogo xasaasi ah ay keentey iskudayga ah in la khaarajiyo, balse waxaanan si rasmi ah loo helin cidda ka danbeysa iyo sida uu ku dhacay iskudayga, xilli garoonka Aadan Cadde iyo Hoteelada ku yaala amnigooda aad loo adkeeyo.

Markii sida la sheegay uu fashilmay iskudayga dilka ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan CIA-da Maraykanka mudo kooban la wareegeen hotelka uu kusugnaa sarkaalkan ayagoo u gelbiyey dhanka safaaradooda.

Intaas kadib ayaa barqadii lasheegeey in col. abdullahi dheere ka qaadey muqdisho diyaarad Helakabter ah, waxeyka ka dejisey xarunta Africom kuleedahay magaalada Jabuuti.

Xogtan soo baxday ayaa imaaneysa iyadoo Muqdisho ay saacihii la soo dhaafay lugaha la sii gashay marxalad adag, islamarkaana ciidamo diidan in Farmaajo sii joogo Villa-Somalia ay qeybo kamid ah magaalada la wareegeen.

Sidaasi oo kale waxaa soo baxayay xogaha muujinaya in ay jiraan shirqoollo loo dhigayo xubno madax iyo saraakiil isugu jira oo ka aragti duwan Farmaajo, inkasta oo Rooble toos ula wareegay amarka taliyaasha Ciidamada.

In dagaal uu ka dhaco Muqdisho cabsideeda ayaa taagan, Roobow oo kiiskiisa wasaaradda amniga dib u furtay lagana yaabo in la soo daayo iyo beegsiga wal walkaka ku beeray garbaha amniga iyo siyaasadda R/W Rooble ayaa intuba ah hadal heynta wararka ugu weyn saacadahan ee dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here