DF Soomaaliya oo Deni iyo Axmed Madoobo ku eedeysay in aysan doorasho diyaar u aheyn

0
31

Muqdisho (Walwaal.com)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  laba madaxweyne ee dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in aysan diyaar u aheyn doorasho dalka dhacdo,

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu soo bandhigay Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maalmahan madaxda Soomaalida uga socday Teendhada Afisiyooni magaalada Muqdisho.

“Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here