Dhismaha dhuumaha saliida ee Uganda ayaa caqabad wajahaya

0
144

Guri u muuqda mid la dumiyey, maro kaneeco ka soo laadlaada saqafka caws ah, iyo leben cas oo kala firidhsan.

Waa waxa ka haray wixii ahaan jiray guriga Muhamuza Dominic. Markii la gaadhay heshiiska shidaalka ceydhiinka ah ee la geynayo Tansaaniya, wuxuu ka mid noqday boqollaalkii qof ee uu maray jidka pipe ka saliida qaadi doonaa waa toban degmo oo dadkii ku noolaa hantidooda la burburin doono.

Dhuunta, oo noqon doonta tan ugu dheer ee nooceeda ah ee adduunka, ayaa si toos ah ugu soo dhacaysa gurigiisa. Waxa uu samayn karay qaab dhismeed cusub oo hoyga ah laakiin ma jirto meel ku filan. “Waxay igu yidhaahdeen waa inaad guri kale ka dhisataa meeshaas, waayo dhulku aad buu u yar yahay. Markaa xitaa ma garanayo waxaan sameeyo,” Muhamuza ayaa yidhi.

Afar sano ayaa laga joogaa tan iyo markii uu bilowday wada xaajoodka mashruuca muhiimka ah oo gaadhaya 1,443 kiiloomitir ilaa jasiiradda Chongoleani oo u dhow dekedda Tanga ee Tansaaniya.

Advertisement

Shirkadaha shidaalka oo ay ku jiraa Total Energies, Uganda, iyo dariskeeda ayaa heshiis wada gaadhay bishii April balse wax dhismo ah oo la bilaabay ma jiro.

Biingadaha ayaa lagu rakibay dhammaan si loogu calaamadiyo Dhuumaha Saliidda Ceydhiin ee Bariga Afrika.

Waxay fidsan tahay ilaa 30 mitir. Toban kiilo mitir ayuu u jiraa halka uu ka soo bilowday ee Kabaale ee degmada Hoima, dadka tuulada awoowayaashood lagu aasay halkan ayaa ka baqaya guryo cusub.

Bulshooyinka waa laga mamnuucay inay si joogto ah u isticmaalaan hantidooda.

Dhuunta ayaa baabi’inaysa hektaro dhul-beereed ah oo ku tiirsanaa cunto iyo dakhli.

Reverend Fred Musimenta waxa uu beeraa kookaha iyo kafeega. Laakiin qayb ka mid ah beertiisa ayaa hadda ah mid aanay waxba ka bixin. Bulshada rayidka ah ayaa sheegtay in magdhowga la shaaciyay uusan ahayn mid cadaalad ah. “Sida kashifada EACOP waa mid aad u hooseeya taas oo haddii magdhow lagu siiyo aadan awoodin inaad ka iibsato dhul meel kasta oo Kikuube ama Hoima ah. Ma iibsan kartid dhul la mid ah oo ay EACOP magdhow kuu siiso, ayuu yidhi Reverend Musimenta, oo ah wakiil dadku ay saamaysteen.

Ka-qaybgalka dadka uu saameeyay Mashruucu waxa uu ka bilaabmay gobolka Albertine, si loogu gogol xaadho bilawga dhismaha dhuumaha Saliidda Ceydhiinka ee Bariga Afrika, laakiin waxa ay ku dhacayaan dhiillo.

Midda kale waa in “tiro ka mid ah dhulka Pipe ku maro ay dadku ka guuraan una guuraan meelo fogfog una ama magaalo kale qiimaha dhulkuna waa kala duwan yahay”, Gloria Sebikari, Madaxa Isgaarsiinta, Maamulka Batroolka ee Uganda ayaa sharraxaysa.

Dowladda ayaa sheegtay in ay ka taageereyso dadka ay dhibaatadu soo gaadhey si ay noloshooda dib ugu soo ceshadaan, iyadoo ku faaneysa in dhaqaaluhu uu kobci doono marka wax soo saarka la bilaabo sanadka 2024. Balse dadka dhaliila ayaa ku baaqaya in dib u qiimeyn lagu sameeyo iyo in la dardargeliyo hanaanka bixinta magdhowga.

Uganda waxa ay awood u leedahay in ay ku biirto hormoodka soo saarayaasha saliidda iyo gaasta oo ku fadhiya qiyaastii 6.5 bilyan fuusto oo saliid ah.

Baanka Adduunka ayaa dhawaan ku tilmaamay dalkan aan bad lahayn inuu yahay “xuduudaha sahaminta dhulka ee ugu kulul caalamka iyo dal ay tahay in laga helay shidaal iyo gaas”.

Walwaal.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here