Dhul is dhigidda Cabdirisaaq Khaliif ayaa ka khatar badan dhoohanaanta Koore iyo Faratoon.

0
30

Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuu yimi Laascaanood muxuuse la yimi?

Safarka Cabdirisaaq Khaliif uu Laascaanood ku yimi aad ayaa loo hadal hayey saacadihii aynu ka soo gudubnay, sababta loo hadal hayo ayaa waxay tahay in uu Maamulka Hargeysa u yahay kaadh muhiim ah, oo ay xaaladda deegaanka oo danahooda kaga gaadhi karaan, waana waxay iyagu dhinacooda ugu yeedhaan ”Islaab xaadhasho“ oo ah hadal malagii galay. Bulshada Dhulbahantena waxay doonayaan in ay dhinacooda u soo jiidaan oo uu la mawqif noqdo dadkiisa ku mideysan go‘aankii ay soo saareen gudiga ka kooban 33 xubnood.

Ilo xog ogaal ahi waxay sheegeen in ay kulmeen qaar ka mid ah xubnaha 33ka ah iyo Cabdirisaaq Khaliif, ayna u sheegeen aragtida bulshad iyo go‘aankii ka soo baxay, Cabdirisaaq Khaliif oo isagana macrifo badan isu leeyihiin bulshada deegaanka iyo gudida 33 ka ah ayaa markuu arkay dhagaystay fikirka odayaasha ayuu isu dhul dhigay, una muujiyey in aysan ka filan wax midnimadooda kala dhantaalaya.

Qaabka uu Cabdrisaaq u qaabilay odayaasha oo sawir ka bixisay in aanu ahayn nin ka boodaya wixii bulshadu rabto ayaa ah qaab khatartiisa leh, oo lagu dhex geli karo xubnaha gudiga ah , in kasta oo xubnaha gudidu muujiyeen hal adeeg haddana keeb la yuurarnimadii badnayd waa arrin ay ku debcin karaan, ayna god daloolooyin ka dhalan karaan, way adag tahay xilligan jamaahiirta kacdoonku soo jeedaan in qofna ka leexdo rabitaanka shacabka haddana farriimaha la sidi karo ee waliba ka imanaya dhinaca Muuse Biixi oo aan hadda waaqici Laascaanood ka jira laba haysan ayaa keeni kara in ay xubnaha qaarkood u nuglaan karaan.

Advertisement

Xilligii Khaatumo iyo Maamulka Hargeysa kuwada hadlayeen Adis Ababa arrimihii kooxdaa lagu xero galiyey waxaa ka sheekeeyey nin ka tirsanaa xubnihii masaakiinta ahaa ee shirkaa ka qayb galay oo lagu magacaabo Cabdirashiid, wuxuu yidhi Cabdirashiid: Intii aanu wadahadlaynay marnaba nalama ay soo qaadin Ina Kaahin iyo raggaan wada fadhinay mashruuca gooni isu taaga, markasta waxay ka hadlayeen oo ay na lahaayeen niman yahow inaga oo mida aan koonfur ku noqono oo yeynaan kala tegin. Waxaad moodaa in ay qodobkaa nimankii masaakiinta Khaatumo berigaa ku qanceen oo lagu ka xaystay.

Hadda isla fariintaa wax u eeg ayey wadaan Cabdirisaaq Khaliif iyo Ina Kaahin, waana filim lagu soo daawaday Adis Ababa, arrinta dhabta ah ee jirtaa ayaa ah in aanay Cabdirisaaq Khaliif waxba gacanta ugu jirin Muuse Biixina diyaar u yahay dagaal oo aanay malashiyada ”Somaliland“ deegaanka iskaga baxayn, sidee hadal ugaga baxaan awood ayeyba ku qabsadeene? Wixii awood lagaga qabsado awood ayaa lagu soo ceshadaa, dhul is dhigida Cabdirisaaq Khaliif waxay ka khatar badan tahay dhoohanaanta kuwa kale ee u adeegayaasha Muuse Biixi, ee ay ka mid ka yihiin Ina Koore , Yaasiin Faratoon, Iyo Indho Indho.

Cabdirisaaq Khaliif iyo rag kale waxay ahaayeen raggii ka qayb qaatay dhibaatada deegaanka, sidaasi daraadeed waxaa waajibka ku ah Jamaahiirta kacdoonku in ay il dheeraad ah iyo feejignaan arrintan ka muujiyaan.

w/Q: Asad Cadaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here