Digniin ( Cudurka Ebola)

0
57

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Uganda, Marwo: Diana Atwone ayaa Maanya 20 Sept. 2022. Cadeysay in Dalka Uganda Tuulada Ngabano ee Degmada Mubende laga helay Cudurka “Ebola” kadib markii Wiil 24 jir ahaa uu u geeiyooday Cudurkaa lana hubiyay in Cudurku ahaa Ebola.( F.S: 1& 2aad)

Codsi.

Waxaan ka Codsanayaa Wasaarada Caafimaadka ee Somalia in ey Hakiso soo noqoshada Asgarta Reer Uganda ee Amisom ee Fadaxa ku maqan iyo soo bedelida Ciidamada Cusub ee ka imaanayo Dalka Uganda sidoo kale socotada aan Ciidamada aheyn ee ka imanayo Ugandha iyo kuwa soo marayo Kenya ee ka yimid Uganda.

Taxadarku ma xumo, si Wasaaradu uga abdbaadiso Ummadda soo fiditaanka Cudurka Ebola.Alla ha ka badbaadiyo Ummadda.

Advertisement

Aamiin, Aamiin.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here