Faahfaahin khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0
43

Muqdisho (Walwaal.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ciidan oo ku socday wadada aada deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaano.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay inay arkayeen qaar ka mid ah askarta oo ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaas.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Xoolo Qalka, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in khasaare dhaawacyo ah uu ka dhashay.

Advertisement

Ma jirto weli wax faahfaahin ah oo laamaha ammaanku ay ka soo saareen qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here