Fiqiyoow Falkii dhacay baryahan fuluhu noo gaystay
Maatadii fagaaraha hubkiyo faalka lagu laayay
Foolxumadi ay reer snm faydday lagu toos
Farajbayba ii noqotay iyo guusha aan falaye
Fiintii ka oydiyo wixii dhabadku foodhyaayey
Falagaa haddeer sheegayoo fayday saxalkiiye
Ficil baa bilaabmaye darbiga laylkasaan fili
Fariidadii mareexaan fidnada kama falaagoone
Iyagoo fariintii hayay fool usoo galiye
Absamuhu fiktii hore cadhoo oo ficil dhalaalooye
Faafan garigi joogaa colaad faytay waa hore
Farihii hartina waa diyaar faracyadoodiiye
Far qudhaysan noqon reer sicid meel dir soo faqaye
Fashilkii qamuuyiyo la arag faajir Ina kaahin
Fagaaraha markaan joogsadee fiidka galay weerar
Faratiris rag wada miiganiyo faxanihii jaamac
Markay kula figaaxeen dhaqsay furinta jiidheene
Tobansano halkii ay fadhiday faarujiye saace
Fadalkooda waatii in badan loogu galay fayle
Faataa dhugtii iyo lawaa fulayadii nuuxe
Maantana waxaan fidinayaa duulan farawayne
Teer iyo falaydh yaale iyo fuliye meeshiisa
Iyo feedha hawd iyo fardhidin yayle filigtiisa
Col fadhiya intaa qudha yadaan laba fogaanaynin
Ayaa foodda galin doona oo feenan cadawgaase
Farsamada idoor waan aqaan qaabka loo falo e
Irirkiyo dirkaa soo fatahay igaga foognaada
Seermawaydo
Share gareeya oo fogaaya
Halqabsiga fiqi oo jooga galdogob oo gabay hore soo tirshay.
#GuuliyoGobanimo
#SSCGENOCIDE
W/Q: Dirir seerma-waydo