Galmudug oo sheegtay in ay diyaarisay goobtii la dejin lahaa guddiga doorashooyinka

0
34

Muqdisho (Walwaal Online)- Ku simaha madaxweynaha ahna madaxwayne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeeray xarunta loo diyaariyay inay dagaan Gudiga doorashooyinka.

Xaruntani ayaa ah mid loo diyaariyay inay degaan gudiyada doorashooyinka heer qaran iyo dawlada gobaleed iyo guud ahaan hawl wadeenada doorashada.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa dhamaanba kor meeray xarunta waxa uuna warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta gacanta ku haysa xaruntani oo la filayo inay dhawaan soo dagaan gudiga doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in dhawaan halkaasi lagu qaban doono doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee degaanada Galmudug.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here