Gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada

0
25

Walwaal Online; Wararka ka imaanayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xaley gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray,sida ay ku warrantay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Waa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaallada ka qarxeen Tigray.

Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tureen dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Waxaana lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

Advertisement

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here