GEERI AKHIRO AMA GUSHA NOLOLEED

0
32

Itaageer allahayoow,

Arrintayda kala taal

Adaa toosin karayee

Sida aan anigu qabo waxaan jeclaan lahaa in loo duceeyo guddida iyo isimada masiirkeena gacanta ku haya, sida aan xogta ku hayo waa markii labaad ee dhulbahante talo midaysan isugu yimaaddo, markii koowaad waxa ay ahayd horraantii sanadkii 2012 inkasta oo aanan waqtigaas nasiib u helin in aan tago madashaas, haddana waxa ay ahayd markii ugu horeysa ee dhulbahante aayo ka taliskiisa ku midoobay waxaa iskugu yimi Garaado,cuqaal, siyaasiyiin,qurba joog iyo dhalinyaro rag iyo haween isugu jira. Aan idin xasuusiyee markii kacdoonkaa Khaatumo lagu guuldaraystay raggii hogaanka looga dhigay oo dhan maamullada darafyada ayaa ay ku biireen ilaa Cali Khaliif Galaydh oo ugu danbeeyey uu ku dhintay isaga oo Somaliland wada hadallo kula jira.

Advertisement

Taladii barigaas aynu go’aaminay waa ay fashilantay oo ma guulaysan haddi ay guulaysan lahaydna maanta Inagama ay dhinteen dadkii sida xaqdarada ah loo laayay magaalada Laascaanood ee tirada badnaa ( Toos Iyo madax duuba.) Waxaa xaqiiqo ah in dhalinyaradii wiilal iyo hablaba lahaa ee inaga dhintay qaar kalena inaga naafoobeen aynu awoodaynay in aynu badbaadinno, waa haddii raggii talada inoo hayay ay masiirkeenna xadhko adag ku gunti lahaayeen, qadarta Alle ayaanse la hilmaami karin.

Waxa aan uga socdaa kacdoonkan shacabku horseedka ka yahay waa mid saan saan neecaw ah oo guul iyo gobanimo badan wata. Si aynu dhan kasta uga dheellitirno waa in aan u ducayno in Eebbe weyne ina solansiiyo taladii 11 sano ka hor ina seegtay.

Waxa meesha yaallaa ma aha saamilay iyo awr kacsi ee waa jiritaan ummadeed kaas oo ay u god galeen dhalinyaro doonaysay in taladeenu ay ka go’do dhexdeena ee aysan cid inooga timi dibada aysan inoo yeedhin waxa ay doonayaan waa sida ay haddaba tahaye.

Waxa aan kusoo gunaanadayaa oo mawdoocayguna ku biyo shubanayaa in xaqa iyo baadilka ku hirdamaya mandaqadeena uu xaqu guulaysanayo haba soo daahee, sidoo kale in talada cidda inoo haysaa waa Guddida 33 Ah iyo isimmadee EBBE garab marin waddada toosan ayna noqdaan kuwo taariikhda jiritaanka ee dhulbahante bud-dhig u noqda qarniyada dambe ee soo socda, aynu si wada jir ah faataxada  u maro.

Itaageer allahayoow,

Arrintayda kala taal!!

W/Q: HASSAN SAALAX MAXAMED CARTAN

#SSCGENOCIDE

#SomalilandOut

#halganka_ssc

#SSCGENOCIDE

#SomalilandOut

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here