Gobbanimo, guul vs gunnimo, guuldarro.

0
32

Guriyagu waxa uu ku yaal isgoyska shuhadada Laascaanood, oo hore loo odhan jiray isgoyska Manhal. Waa goobta ay ku dhinteen 10 wiil oo 16 jir ilaa 20 jir u dhexeeya, iyaga oo doonaya in ay calanka Soomaaliya ka taagaan. Maalmihiii ugu dhimashada badnayd maalin ka mid ah oo ku beegnayd 30-12-2022, waxa aan xasuustaa in saddex jeer isgoyskaas la kala qabsaday, mar shacabka, mar ciidanka iyo gaadiidka gaashaaman ee Somaliland, mar kale shacabka, mar kale ciidan koofiyad cas ah, intaasba dhimasho iyo dhaawac baa socday, misna marna shacabku ma hakanayn in ay soo bataan mooyaane.

Maanta wakaas calankii la gu xardhay, waxaa intaas dheer in shacab tiro badan oo calankii sitaana ay hareeraha isgoyska buux dhaafiyeen. Gurigayaga hortiisa oo dhufays u ahayd gawaadhida gaashaaman ee Somaliland iyo ciidankooda, maanta hablo, hooyooyin iyo wiilal calanka Soomaaliya ku lebisan ayaa hor dhoobnaa, oo farxad ka muuqato, iyaga oo sugayay soodhawayntii Garaad Mukhtaar.

Shucuurta dadku waa qaali, gabadh yar oo 5 jir ah oo calanka Soomaaliya ruxaysa oo leh soodhowoow Garaad ayaa shalay galab aad iisoo jiidatay. Waxa aan filayaa in aan Garaadadu niyad jebin doonin inantaas yar iyo kumanaanka la mid ah oo ay go’aamin doonaan wax ay ku farxaan.

Mid guddiga iyo Garaadada ayaa aan leeyahay. Maanta meesha aad reerka iyo deegaanka u rartaan taariikhda ayaa qori doonta, waa guul iyo gobanimo hor leh oo taariikhda gasha ama gunnimo iyo guuldarro aan weligeed laga soo kaban. Labadaas waddo ayaa bannaan ee kii aad na qaadsiisaan waxa ay ku xidhan tahay idinka, ragganimadiina, iyo dadnimadiina.

Advertisement

Mid shacabka ayaa aan leeyahay oo waa ilaashada dareenkiina iyo masiirkiina oo tallaabo kasta iyo go’aan kasta oo la qaato haddii aannu idiin qalmin waa in aad ka gilgilataan.

W/Q: Aadan Jaamac Oogle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here