GOBOLKA SOOL

0
756

Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood,waxaa degmo ay noqotay 1942kii waayihii gumeysigii Ingiriiska.
Waxay Ka tirsanayd gobolkii markaa la odhan jirey Waqooyi Bari,oo ay xaruntiisu ahayd Burco.
Teer iyo 1973kiina gobolkaas ayay Ka tirsanayd

Markii Dawladdii Kacaanku ay magacawday 8 gobol oo Cusub, Laascaanood waxaa la hoos geeyey xaruntii cusbayd ee Gobolka Nugaal ee Garoowe oo iyadu degmonimada qaadatay 1967kii.
Degmada Taleex oo hore u hoos tegi jirtey Laascaanood ayaa sannadkaas 1973 noqotay degmo cusub oo Ka tirsan Gobolka Nugaal.
14kii Juun 1984 Kii waxaa la magacaabay 2 gobol oo Kala ahaa Awdal iyo Sool oo Laascaanood xarun looga dhigay.

Degmadii Taleex oo Laga soo jaray Gobolka Nugaal iyo 2 degmo oo Cusub oo Kala ahaa Xuddun iyo Caynabo ayaa Gobolka Sool uu noqday,welina yahay.

Gobolkan oo dhaca Waqooyi-bari Soomaaliya,wuxuu xad la wadaagaa 6 gobol oo Kala ah:-
Waqooyi galbeed,Togdheer,Sanaag,Bari,Nugaal iyo geyiga ismaamulka Soomaalida galbeed ee Itoobbiya.

Advertisement

Gobolkani wuxuu lahaan jirey muhimad ganacsi oo sannadihii 1950naadkii ugu mudnayd.
Xoolaha Nool,Macdanta iyo shidaalka ayuu caan ku yahay.

SHidaalka waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Ceelka baaxadda leh eeHolhol ee degmada Xuddun,kaasoo ay ku guulaysatey shirkadda Maraykanka ee Konoko dhammaadkii 1980naadkii,kaasoo Soo saaristiisa ay hakisay burburkii dawladdii dhexe ee Dalka
Waxaa kaloo Jira ugu yaraan 9 Ceel shidaal oo muhim ah Isla Gobolka Sool,iyadoo la wada sahamiyey 1950naadkii iyadoo laba shirkadood oo Maraykan ahi ay hubiyeen.
Ceelka shidaalkiisa la qarxiyey 1959kii waa Biratable oo ku yaal duleedka Magaalada Boocame ee goblkan.
Waxaa la rumaysan yahay’ barta uu ku yiil Masjid Jaamacii hore ee Magaalada Laascaanood oo dhismihiisii hore dhawaan la dumiyey,halkiina laga dhisay masjid cusub oo laba dabaq ah,inuu ku yaal Ceel gaas ah.

Inkastoo burburkii Qarannimo Dalka oo dhammi baylah noqday,haddana aagag kala duwan oo gobolkan ah ayaa laga helay macdano kala geddisan.

Goblkan waxaa lagu xusuustaa halgankii Gobannimadoonkii ugu waqtiga dheeraa ee Daraawoishta oo xaruntiisu ahayd.
Ammin ku dhaw rubuc qarni ayaa Mujaahidiintii Daraawiishtu dagaal xabbad ah kala hor jeedeen Gumeysigii Caddaa ee Ingiriiska,Talyaaniga iyo Faransiiska oo iskaashanayey iyo weliba Quruumo Afrikaan iyo Aasiyaanba leh oo uu Soo dirir geliyey Ingiriisku.

Dariiqada SAALIXIYA oo uu la yimid Hoggaamiye Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa noqotay meesha ay kaga baahdey geyiga Soomaaliyeed.

Fardaha ayuu gobolku Caan ku yahay’,waxaana Kumannaan ka mid ah ay kaga qayb qaateen halgankii gumeysi la dirirka.

Mandaqadda gobolkan oo Badi Dooxada Nugaaleed ah ayaa leh dhir ay Caan ku tahay oo muhim ah
Daranta,Haynka,Cadayga iyo geedo ka baxa dhulkan biyihiisa Hoose ay dhaw yihiin ayaa xoolaha ku dhaqan degaannada jooggoodu sarreeyo ee Hawdka loo Soo dejiyaa oo ay ka darmadaan.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Noole ka dabar go’ay Dunida inteeda kale ayaa Gobolkan ku uumman,waana Dameer dibadeedka loo yaqaan GUNBURIGA,kaas oo.dawladdii Kacaanku ay u samaysay mashruuc gaar u ah
Dad badan ayaa rumaysan in Gunburigu uu yahay’ Daabbaddii uu fuuli jirey Nebi Muuse NNKHA.

Xagga Diinta ayaa Gobolkan waxaa uu saldhig u noqday Dariiqo gaar ah oo ka tirsan Qaaddiriyada Laguna magacaabo Rabiiciya.
Waa culimada Timaha la baxa ee Xerta ah oo loogu magac daray SHiikhii aasaasay ee SHiikh Maxamed- Rabiic SHiikh Yuusuf SHiikh Cabdi oo xaruntiisu ahayd welina tahay magaalada Yagoori oo Laascaanood Ka tirsan 52 kiilomitirna dhankanWaqooyi kaga toosan.
SHiikhu mar aan waraysi gaar ah la yeeshay wuxuu Afkiisa iiga sheegay inuu 1948kii Nugaal Ka bilaabay yagleelidda Dariiqadan,isagoo ii sheegay inay aad ugu baaheen Soomaaliya oo idil iyo weliba arliga Soomaaliyeed oo idil ayna ku leeyihiin in Ka badan 750 xarumood.

Magaalada Laascaanood goobaha Taariikhiga ah ee ku yaal waxaa Ka mid ah xaruntii lagu aasaasay 1959kii Xizbigii gobannimo doonka ahaa ee Midnimada Soomaaliyeed(USP) kaas oo ay wada dhisteen beelaha dega Sool,Sanaag iyo Awdal.
Taallo kooban ayaa ku taal bogcaddii lagu qabtay shirkii aasaaska Xizbigii USP.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Gurigii lagu diley Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdurrashiid Cali SHarma’arke oo ahaa hoygii guddoomiyihii degmada ee Ingiriiska oo DHisme laba dabaq Ka koobnaa ayaa Taariikhda ku Jira,walaw 1991kii ay guud ahaan dhismahaas baabi’yeen dad ma-kas ah imminka waa bogcad bannaan.

Dugsiga Hoose ee Laascaanood oo Sannadkii 1945kii uu dhisay Ingiriisku ayaa lagu xusuustaa dad Soomaalida magac ku yeeshay oo arday Ka soo noqday Sida Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac iyo Professor Abyan oo waayahaa hore ahaa iyo Orodyahanka CAALAMIGA ee Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi oo horraantii 1970naadkii Arday Ka soo noqday
Barayaashii hore ee Dugsigan waxaynu Ka xusi karnaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Dalka Cumar Carte Qaalib iyo Abwaankii Caanka ahaa Cali Sugulle( Duncarbeed).
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Laascaanood waxaan Ka fogeyn xaraarta qaddiimka ah ee Waaq Deri oo koonfurta magaalada ku Taal ahna goob Sooyaalka Qaddiimka ah ku suntan.

Sidoo kale Boholaha Xargega ee Caanka ah ayaa 12 kilomitir oo keliya xagga waqooyi ee magaalada dhacda.
Dad qalatadii DHegdheer iyo Xargega waxay Ka mid yihiin sheekooyinka Carruurta Soomaaliyeed,walaw aan hubaalinteeda la isku raacsanayn.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Sooyaalka Gobolka Sool waxaa Ka mid ah goobtii lagu diley Gaalkii Madoobaa ee Gibirka( Baadda) Ka qaadi jirey Soomaalida oo Qayaad la odhan jirey,qiyaastii qarnigii 13aad ee Miilaadiga
Geeridiisa Ka dib waxaa bartii loo bixiyey Jid bannaan,iyadoo ilaa maantadan qofkii soo maraaba uu DHagxan ku tuuro,ilaa ay Buur noqotay
Waxaa ISU furmay xoolihii Nugaasha ugu soo degi jirey Daranta iyo Biyaha,waa meel aad ugu dhaw magaalada Boocame ee Gobolka Sool
In Laascaanood iyo meelo Fara badan oo magaalooyinka iyo miyiga gobolkan ah raadadkii iyo dhismayaashii Daraawiishtu waa wax caadi ah.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Inkastoo uu gumeysigii Ingiriisku duqayno iyo Burburinba u geystey haddana weli way badan yihiin.

Magaalada Taleex oo iyadu ahayd Xaruntii Daraawiishta wixii Ka danbeeyey Sannadkii 1910kii iyada waxaa ku badan Daarihii Daraawiishta,Qudbiyo dhaadheer oo Laga dul dhisay Culimo iyo dad caan ah kuwaasoo ay labadii waalid ee Sayidku Ka mid Yihiin( Carro Seed Magan iyo Cabdulle Xasan.)
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Raadadkii Daraawiishta mandaqaddan aad bay ugu badan yihiin
Dadkii Caanka ku noqday Suugaantii iyo Sooyaalkii Daraawiishta waxaynu Ka xusi karnaa Cilmibaadhe,Xog-ururshe Aw Daahir Afqarshe iyo Fiqi Buraale,kuwaasoo Radio Muqdisho iyo meelo kaleba ku kaydsan.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Degmada Xuddun ee Gobolka Sool waxaa ku yaal godqallo waaweyn oo ay ku xardhan yihiin faro qoran iyo sawirro laga tixraaci karo xaddaaraddii dalkani lahaan jirey.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Magaalada Xalin ee degmada Taleex oo iyadu leh Durdur biyood AAN gudhin ayaa dawladdii 1aad Ee Soomaaliya ka hirgeliseymashruuc tijaabo ah oo 1961kii lagu beeray geedo badan oo Timir ah
Inkastooy horraantii tisqaadday,haddana daryeel la,’aan iyo Dawlad la,’ aan ayay la baaba’,day Timirtii.
Waxaase Xalin aad uga baxa geedka Maydhada oo Dermooyinka iyo Agab kale Laga Sameeyo.
Isla mahaaladaas Xalinwaxaa ay lahaan jirtey warshed dhexdhexaad ah oo Sonkorta Soo saarta.
Waxaa DHawr jeer Sonkorta Xalineed la keeni jirey Carwooyinkii Soomaaliya ee Muqdisho,Gaar ahaan rugtii ganacsiga iyo Wershadaha
Wershaddan waxaa Hirgeliyey oo wax soo.saarkeedana adeegsan jirey Culimada Timoweynta.
[5:02 PM, 11/29/2021] khaliifka: Gobolka Sool wuxuu caan ku yahay dhanka Suugaanta.
Waxaa Ka soo baxay Rag Fara badan oo Soomaalida dhexdeeda magac weyn ku yeeshay.

Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka waxa uu gobolku la wadaagaa gobollada waqooyi.
Baarcaddaha iyo Batarka iyo Haanta Habeenkii la tunto ayaa Ka mid ah.

W.Q. Cismaan Cabdinuur Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here