GUMAYSIGU XADKUU DHIGAY XEELAD GUMAYSI BUU AHAA

0
60

Dhulka soomaaliyeed waligii buu ahaa hal dal oo soomaali degto, deegaan walbana waxaa ka jiray suldo iyo maamul ay leeyihiin qabaa’ilka dega deegaankaa. Haddaba markii guumaystihii reer yurub soo duulay waxay ku tashadeen gayigan ballaadhan ee barakaysan in ay qabsadaan oo ay dheeftiisana qaataana, sanadkii 1884-5 shirkii baarliin ee (partition of africa) waxaa lagu qaybsaday dhulka soomaaliyeed waana sidii reer yurub iyo xabashi u kala qayteen.

Dawladdii daraawiishtu waxay ka dhiidhiyay oo ka dagaallamaysay waa gumaysigaa iyo kala qaybinta carrada bulshada soomaaliyeed, oo SAYID maxamed cabdulle xasan AHUN oo ahaa hoggaamiyii daraawiishta waa tuu meer gabay ah ku lahaa isagoo ku caddaynaya dhulka soomaaliyeed ilaa inta uu joogo ama xadka dhulka soomaaliyeed wuxuu yiri:

•Ilaa calan lay nashiro tan iyo Nayroobi.

Midhihii iyo halgankii daraawiishi u dagaallantay waxaa la helay oo la manfacsaday dheeftii gobonimo u dirirkii daraawiishta, sanadkii 1960 kii oo soomaali heshay dawladnimo dunidu aqoonsan tahay.

Advertisement

Haddaba midawgii 1/7/1960 kii, ma ahayn midaw dhuleed ama laba dal ee waxaa la mideeyay oo soomaali isku af garatay hab dawladeed oo soomaali leedahay oo caasimad looga dhigay xamar. Dawladdii xilligaa la dhisayna sanadkii 1991 dii bay duntay waxaana dumiyay kuwii dheefta badan ku qabay, ninba meel waranka ha kaga dhufto dawladnimadii maandeeq ee ay dumiyeen qabqablayaashii amxaarada dabada soo saaray.

Maantana dawladnimo soomaaliyeed baa la raadinayaa oo dhismaysa soomaalina baahi u qabtaa, ninka diiddan wax umaddoo dhan raadinaysana isaga ayaa cirka roob ku og, hadduu damco inuu hor istaagana awood baa loo isticmaali waayo waa ruux umad dhan u diiddan inay hesho qaran oo raba inay ku jirto qaran la’aan.

“Cidna laga yeeli maayo in ay ku andacooto xarriiq gaalkii ingiriisku ku kala qaydayay gayigayaga soomaaliyeed, intuusan gaalku iman wuu yaqaan halka deegaankiisu ahaa, waa inuu ku ekaadaa deegaankiisa,,.

W/Q: Ahmed Mohamed Salah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here