Hogaan nuucee ah ayay xilligan Soomaaliya u baahan tahay?

0
376

Soomaaliya oo barta kaga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay hadana la kala boobayo, waxaa u taalla ka soo doodista nuuca hogaan ee loo dooranayo dalka.

Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato ilaa sadexda todobaad ee na soo aadan waxaa xigi doonta u jaan rogashada doorashada guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona, balse calaamad su’aal weyn waxay ka taagan tahay hogaamiye sifo nuucee ah leh baa dalka xilligan adag calanka u sidi kara?!

Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma marna wada shaqeyntoodu hakato, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taa ka weyn ayaa muuqata aminkaan.

Advertisement

Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladaha dalka uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan jirto halis, taasi oo ah in laga wal walayo hadii madaxweyne loo doorto mucaarad ama muxaafad in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.

“Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta” ayuu yiri Prof Cali Mareer oo ah aqoon yahan UK ku nool.

Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysanaya aragti ku saabsan in madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad.

“Baarlamaanka waxaa ku soo biiray rag horay isu dagaalsanaa oo ay cuqdad badan u dhaxeysi oona saraakiil u badan, weyna adag tahay in iyagoo qeyb guuleysatay ay qeybta kale aqbalaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlay xa u helidda xaaladda cakiran ee dalka.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah qaarkood waxay ku talinayaan in hogaan xilkas ah oo aan qayb ka aheyn iska horimaadyada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee muddo soo jiitamayay ku haboon yahay Soomaaliya in loo doorto si uu dalka uga gudbiyo xilligaan adag oo loo baahan yahay hogaan leh biseyl siyaasadeed iyo aragti fog, dalkana u horseedi kara deganaansho siyaasadeed, amni, cadaalad iyo horumar.

“Waxaan u baahanahay in la doorto shaqsi dal joog ah,xogogaal ah oo fahamsan dhaqanka, degan, qunyarsocod ah oo dad isku wad leh kuna qanci karaan mucaarad iyo muxaafidba” ayuu yiri Maxamed Ciise Caseyr oo ururada dhalinyarada Muqdisho kamid ah.

Deganaanshaha siyaasadda, dibuhabeynta garsoorka iyo sarreynta sharciga, sugidda amniga ,dibuheshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u habeynta hey’adaha dowladda waa tiirararka ugu waa weyn ee loo baahi qabo marka laga baaqsado colaad kale oo doorashada ka dhalata, waxaana doodda ugu xoogan ay tahay in qof leh sumcad siyaasadeed kana gadmaya Soomaalida iyo saaxiibada caalamka in diiradda la saaro.

In xilligan hogaanka dalka loo dhiibo musharax ka soo jeeda Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taliyay, iyadoo loo sababeeyay kalsoonida uu ka heli karo shacabka caasimadda iyo gobolada Mogadishu ku dhow ku nool oo ah halka colaadaha iyo iyo iska horimaadyada dalka Soomaaliya naafeeyay ka taagnaayeen 30kii sano ee la soo dhaafay, ilaa iminkana ka taagan yihiin.

Waxaa intaas dheer, dadka Muqdisho ku nool ayaa dhibaatooyin badan tirsanaya, iyada oo afartii sano ee la soo dhaafay laga xiray wadooyin badan, sidoo kalana ay jirtay in waqti kamid ah afartaas sano ay ciidamo iska soo horjeeda kala xirteen magaalada.

Xildhibaanada badi soo baxay ee baarlamaanka iyo inta la soo dooran doono ayay hortaalaa xal u helidda mushkiladda hogaanka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here