Hoggaamiyaha Tunisia ayaa haweenaydii ugu horraysay u doortay Raysal-wasaare xilli ay xaaladdu kacsan tahay

0
296
Tunisia's President Kais Saied meets with newly appointed Prime Minister Najla Bouden Romdhane, in Tunis, Tunisia September 29, 2021. Tunisian Presidency/Handout via REUTERS

Madaxweynaha Tunisia Kais Saied ayaa markii ugu horraysay haweenay Najla Bouden u xilsaaray inay xukuumad ka dhisto Tunisia, laba bilood kadib markii la eryay golihii wasiirrada ee hore, sida ay madaxtooyadu shaacisay Arbacadii.

Bouden ayaa “lagu amray inay soo dhisato xukuumad sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Waxay ku dhalatay 1958 waxayna ahadayd saynisyahan tababar bixiya, Bouden, oo asal ahaan la mid ah Saied oo ka soo jeeda magaalada Kairouan, dadweynaha guud ma yaqaan.

Waa markii ugu horraysay ee haweenay ay qabato madaxa dawladda Tunisia, xitaa haddii awoodaha la siiyay doorkan ay aad u yaryihiin ayna ku kooban yihiin “tallaabooyin gaar ah” oo uu qaatay Saied 22-kii Sebtembar, uuna ku joojiyay adeegsiga cutubyo muhiim ah oo dastuurka ku yiil.

Advertisement

Madaxtooyadu waxay sii deysay muuqaal ah Saied oo xafiiskiisa ku qaabilay Bouden kuna amray inay soo dhisto xukuumad cusub soona bandhigto “saacadaha ama maalmaha soo socda.”

Saied ayaa marar badan ku adkaystay magacaabista haweenayda markii ugu horreysay hoggaamin doonta dowladda Tunisia. “Waxay sharaf u tahay Tunisia waxayna u tahay abaalmarin haweenka Tunisia.”

Ujeeddada ugu weyn ee dawladda mustaqbalka waxay noqon doontaa “in la soo afjaro musuqmaasuqa iyo fowdada oo ku fidday hay’ado badan oo dawli ah.”

Wareegtada madaxweynaha ee 22-kii Sebtember ayaa si rasmi ah u soo afjartay ismariwaagii 25-kii Luulyo oo uu ku qabsaday Saied awooda buuxda, ka dib markii uu eryay ra’iisul wasaarahii, uuna kala diray baarlamaankii isla markaana uu la wareegay awoodda garsoorka.

Iyada uu ku saleeyey “tallaabooyin khaas ah,” Saied wuxuu qaatay waqti si uu u sameeyo dib-u-habayn siyaasadeed oo taxane ah.”

Tallaabooyinka 22-ka Sebtember ayaa sidoo kale ku siinaya sii wadidda kala dirista baarlamaanka iyo in madaxweynuhu digreeto ku sharciyeeyo shaqooyinka dawlada.

Kahor magacaabista layaabka leh, Bouden waxay ahayda agaasimaha maamulka mashruuca dib-u-habaynta tacliinta sare.

Markii hore, aqoon-yahanada cilmiga dhulku waxay jagooyin sare ka soo qabtay Wasaaradda Tacliinta Sare.

Walwaal.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here