Idaacado La’aanta Soomaaliland

0
74

Cuqubada ugu weyn ee ay shacabka reer Soomaaliland xukuumadihii kala dambeeyay ka galeen, kuma koobna biyo la’aanta, musuqmaasuqa, xadhiga sharcidarrada ah, shaqo la’aanta ama jidadxumada.

Waxa ugu daran waa in ay dhegatireen dadka, oo ay ka mabnuuceen idaacadaha gaarka loo leeyahay dhulka.

Reer Soomaaliland waxa qasab lagaga dhigay inay 24 saac dhagaystaan Radio Hargeysa, oo tayaxumadeeda iyo janjeedhkeeda siyaasadeed, dadweynuhu u bixiyeen “Raadhiyow dhegayso ama ha dhegaysan.” Dadku wax kale ma haystaan, way ku qasban yihiin!

BBC —oo hadda la mabnuucay—iyo VOA oo ah idaacado shisheeye, oo ajandeyaal dalal kale ku shaqeeya, oo iyaguna saacado cayima soo gala, ayaa jira. Iyo idaacadda Quraanka oo dhowaan la sameeyay.

Advertisement

Dadweynuhu waxay u baahan yihiin idaacado badan oo maxalli ah. Kuwo diimeed, kuwo dhaqan, kuwo suugaaneed, kuwo ciyaareed, kuwo ganacsi, kuwo waxbarasho, kuwo fan, kuwo madaddaalo iyo tobannaan kale.

Cid kastaa wargeys ma akhriyi karto, cid kastaana saacado badan telefiishan ma hor fadhiyi karto. Dadku iyaga oo ganacsigooda, hawlahooda iyo xoolahooda la jooga ayay u baahan yihiin in ay helaan idaacad ay dhagaystaan.

Khartuum, Xamar iyo Kambaalla oo aan intaba joogay, waxa ka jira tobannaan idaacadood, oo aanad ka caajisayn madaddaaladooda iyo mawaadiicda ay ka sheekaynayaan. Reer Hargeysana ma aha inay ka qatanaadaan kuwaas oo kale.

Dadweynaha wacyigooda ayaa dhismi lahaa, sida oo kale waxa inoo soo bixi lahaa boqollaal dhallinyaro ah, oo ah wariyaal ku fiiican warbaahinta dhammaan laamaha kala duwan ee nolosha.

Adigu weli ma dareentay baahida idaacadeed ee Soomaaliland?

Xigasho: Ali Illeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here