Indonesia oo baarayaal u dirtay goobta ay ku dhacday diyaarad dalkaas laga leeyahay

0
31
Rescuers carry debris found in the waters around the location where a Sriwijaya Air passenger jet has lost contact with air traffic controllers shortly after the takeoff, in Java Sea, near Jakarta, Indonesia, Sunday, Jan. 10, 2021. Indonesian divers on Sunday located parts of the wreckage of a Boeing 737-500 in the Java Sea, a day after the aircraft with dozens of people onboard crashed shortly after takeoff from Jakarta.(AP Photo/Achmad Ibrahim)

Muqdisho (Walwaal Online)- Xukuumadda Indonesia ayaa sheegtay inay kooxaha gurmadka u dirtay goobta ay ku bur burtay diyaarad shalay xiriirkeeda la waayay oo dalkaas laga leeyahay.

Mas’uuliyiinta dawladu waxay sheegeen inay si rasmi u heleen goobta ay ku dhacday diyaaradda nooceedu yahay Boin 737 oo ay la soceen 62 ruux oo shaqaale iyo rakaab iskugu jira.

Mas’uuliyiinta gurmadka Indonesia ayaa sheegay inay goobta u direen illaa 10 markab oo ay la socdaan kooxaha gurmadka si usoo helaan ugu yaraan raqda dadkii diyaaradda la socday iyo qeybta sanduuqa madow loo yaqaan ee diyaarada ku xiran si loo ogaado waxa ay sababsatay.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada Jakarta Yusri Yoonis ayaa sheegay in kooxaha ay heleen boorsooyin badda dul sabaynaya kuwaasoo loo malaynayo inay diyaaradda saarnaayeen.

Advertisement

Diyaaradaan oo gudaha dalkaas laga leeyahay ayaa xiriirkeeda la waayay mar ay 4 daqiiqo uun ay hawada ku jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here