Isgoyska Shuhadada

0
24

Garaad Mukhtaar markii uu marayey Isgoyska Shuhadada dareen cajiib ah ayuu ku eegay, wuxuuna farta si kalgacal leh ugu fiiqay calankeennii sudhnaa Isgoyska! Qof walba oo Dhulbahante ah oo jahaadkan ku dhinta ma jirto geeri ka sharaf badnaan lahayd oo uu ku dhiman lahaa. Ogaada rabitaankeenna ayaa shaqaynaya.

Cidda Iiddoor magaalada ka saartay, Laascaanood bannaysay, calammada ka lushay, isimmada keentay, amni ka dhigtay, ku shihiidday, Dhulbahantoo dhan shirisay waa INNAGA (dhallinyarada.) Awoodda intaa le’eg iyo ka badanba innagaa leh oo Eebbe ayaa ku mahadsan.

Intaasi ma inagu filan tahay? Waa maya e halganku caawa ayuu bilaw yahay. Cadawgii wuu niyadjabaye cudud ahaan weli umaynnaan jebin! Dhulku Sool oo qudha ma aha e carro Dhulbahante weli ma aynnaan wada xorayn. Cadawgeenna weli hunguri baa ku jira e umaynaan quusgoyn. Shuhadadeennii jannotagtay weli umaynaan aarin. Dhaqan, siyaasi, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo dhammaanteenba waxa aynnu sharaf ku leennahay midnimada iyo dhulkeenna oo aan cadaw inoogu arriminayn.

Waa halkii Jaamac Kediye e “cadaw aan ka weynahay maxay geeyey cagihiisa!” Waa waxba, waa ayna dhammaatay. Haddii aynnu midawno iska daaya degaankeenna e Soomaalida oo dhan innaga ayaa u talindoonna oo walla ah. Wuxuu hadalku ku urursan yahay heestii ahayd:

Advertisement

“Hawl kama daalayaal

Ciddii weli waa hayaan

Hogadii baa lagu jiraa.”

W/Q: Maxamed A. Hoobaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here