Iska caabbinta Ciidamada Ethiopia La Kulmayaan, Iyo Warbixinta QM.

0
17

Ciidamada qaranka Ethiopia ayaa la kulmaya iska caabin xooggan waxayna wajahayaan dagaal qaraar oo ku sii dheeraanaya gobolka waqooyiga ee Tigray, Qiimeyn qarsoodi ah oo Qaramada Midoobay ayaa muujisay Waxaan idiin soo koobayaa qiimeytaas.

In kasta oo saraakiisha ku sugan Addis Ababa Caasimadda ay si isdaba joog ah u sheeganayeen in magaalooyin muhiim ah la sugay haddana kuwa milatariga ah iyo maleeshiyooyinkii ay ciidammadu ka xeeyeen ayaa weli la daalaa dhacayaan sidii ay u nadiifin lahaayeen una sugi lahaayeen ammaanka dhulka oo idil Ciidamada joogtada ah ee aadka u hubaysan ayaa ku sii siqaya dhanka Tigreega iyaga oo ku deg degaya in ay gaaraan caasimada Mekelle qiimeynta ayaa leh sidaan.

Dukumiintiga Qaramada Midoobay iyo in ka badan toban wareysi oo lala yeeshay shaqaalaha gargaarka ee ka socda ururada kale ee caalamiga ah ayaa bixinaya muuqaalka ugu ballaaran ilaa iyo hadda dagaalka Qarxay 4ta November Waxayna si qoto dheer u faahfahiyeen welwelka caalamiga ah ee ah in colaaddaan laba toddobaad jirsatay ay ku hanjabeeb inay noqoto dagaal dheer oo bahalnimo ah iyo xasilooni darro ka dhacda gobollada ugu nugul colaadaha

Afrika.Xogtu way adkayd in la helo oo la xaqiijiyo isgaarsiinta oo loo jaray owgeed Tigray iyo saxafiyiinta oo la xanibay. Boqolaal ayaa xaniban laga yaabee kumanaan dad ah in ladilay ilaa iyo hada in badan oo kalana waa ay barakaceen 36,000 oo ruux ayaa u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, tiro intaa ka badana waxay ku sii socdaan gudaha Tigreega si ay uga fogaadaan dagaalka.Abiy Ahmed, wuxuu horaantii usbuucii hore u sheegay in ciidamada difaaca ee Ethiopia (EDF) ay diyaar u yihiin inay sameeyaan riixitaankii ugu dambeeyay” si ay u sugaan amaanka magaalada Mekelle isla markaana ay meesha uga saaraan Jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF),l xisbiga xukuma gobolka.

Advertisement

Khamiisti la soo dhaafay, afhayeenka Dowlada Redwan Hussein ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada qaranku ay horay u sii socdaan oo ay ku sii dhawaanayaan magaalada Mekelle magaalooyin badanna ay qabteen. Ka dib markii ciidanka difaaca la sheegay inay ‘qabsadeen’ magaalooyin muhiim ah sida Humera, Dansha, Shiraro, Alamata iyo Shire ka dibna lagu sii riixay agag kale oo hore lehDukumiintiyada ayaa qeexaya cutubyo safka hore ah oo si wanaagsan u tababaran isla markaana aad u hubeysan oo ka socda ciidamada Ethiopia iyagoo ka tallaabaya magaalooyinka waaweyn si looga fogaado dagaallada magaalooyinka oo qaali ku ah iyaga oo ku deg degaya caasamada Tigray ee Mekelle.

Laakiin maleeshiyada iyo saraakiishii milatariga ee la howlgaliyay markii ay soo if baxeen ma ahan kuwa aad u qalabeysan mana ahan kuwo anshax leh sidaa darteedna waxay u nugul yihiin weerar celis.Mid ka mid ah qiimeynta ayaa saadaaliyay in haddii ciidamada Ethiopia ay sii socdaan, in khadadka sahayda iyo aagaga dambe ay u nugul yihiin weerarada dhuumaalaysiga ah isla markaana qasaaraha uu sii kordhayo.

Colaada kajirta waqooyi-galbeed Ethiopia ayaa ah gunaanadka bilooyin ay sii kordhayeen xiisadaha u dhaxeeya kooxda TPLF iyo isbahaysiga xukuma magaalada Addis Ababa. Markii la joojiyay doorashadii qaranka masiibada Covid 19 awgeed, kooxda TPLF waxay qabatay doorashooyin si kastaba, tallaabadaas oo xiisadda sii xumaysay.

Dr Seed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here