Halganka hab-u-socodkiisa qorshaysan qof waliba halka uu ka galo ayaa lagu hallayn doonaa, iskuxidhka iyo midaynta hawluhuna waa mahuraan, si aan la isugu filin kaalin bannaan. Qubashada dhiig badan, dhaawac gudubsan iyo meyd gorofsani waa muuqaallada quruxda badan ee berri.
Halgankani waa kii; nafsadda bakhtiday noolayn lahaa, qalbiga madoobaadey iftiimin lahaa, rejada dhadhay waraabin lahaa, farxadda suushey keeni lahaa, kaftanka xidhmay furi lahaa, xanuunnada murugadu beertay daweyn lahaa, xorriyaddii gedmatey dhalin lahaa, gobanimadii gaagaxday lagu godli lahaa, barwaaqadii xaaraamowdey lagu xalaalayn lahaa, jiritaankii khalkhalayna lagu dhidbi lahaa.
Waa halgan wixii dhinta janno iyo ka-raalli-ahaansho Eebbe u ballanqaadaya wixii soo hadhana nolol milgo leh ku sooraya. Dabbaaldegga yeynaan la degdegin oo farxaddu yeysan inaga dhammaan, halganku fasax ma leh, hadal yar iyo hawl badan bey taagan tahay maanta, waxaana la rumaysan yahay aadkaba in xaqu reeyo. In kastoo haddii la libaysto oo goobta loo hadho aysan guushu qeexitaan iyo sharraxaad u baahnayn misana libta qaangaadhka ah dabadeed, qof waliba sida uu rabo ayuu farxaddiisa u samaysan doonaa isaga oo bilaa welwel ah oo insaannimo dhammaystiran dareemaya.
Nin walbana waxaa ku weyn in uu arko gabdhihii ilmaadeerradiis ahaa oo iyaga oo si siman farxad ula qurux badnaaday, calankoodii gaaddada iyo labada naas dhexdooda ku buufiyey, gacmahana si baxsan ugu waraarinaya!
Gabyaa Cabdinaafic Casayr ayaa mar hore ina yidhi;
“Inaan geel adkaar lagu helayn iyo abaal toonna
Nimankii afkaartaa lahaa iyo odayadii sheegay
Aniguna odhaahdoodi baan sii ayidayaaye
Gobanimo ilayskeedu waa aarmi iyo xoog e
Markii oohin lagu doonay baa aabbeheed go’aye
Inaad aarsataan baad naflaha ku ixtiraamtaane
Ubadkiinna waxaad siisateen waa agaasime e
Guubaabada abwaannadu intaa wey akhriyayaane
Inaan doqoni aayiyo lahayn dhig iyo uus toonna
Amni waxey ka doontaa midkii aabbaheed dilaye
Aaskuu ka soo qayb galaa kii arsaa’ilaye
Waxaan gabayga arartawga jaray alifka waa ciil e!
Kurey iyo islaan iyo haddaan oday la dhaafaynnin
Ooridu ninkeedii hadday ka ummulraacayso
Asmo iyo duraa loo socdiyo oof Rabbaaniya e
Naftu oolli maysee haddaad calanka iidsiiso
Tolka iyo Ilaaheyba wey kuu abaalgudiye
Aakhirana magacaaga waad ku arki doontaaye
Haddaad joogtid iiddaana waa mahad Ilaahey e
Hablihii Ayaan iyo lahaa Aaminiyo Xaawo
Iyagoo uluufey durbaan aada tumayaane
Isgoysyadu jiq bey noqon markii uunku soo baxo e
Indhahey ka mirigsiinayaan eydu dabadeed e
Indheergaradkii kala baadey iyo odayadii reerku
Isimmadu waxey noogu iman Aaran iyo Rays e
Haddii uu Ilaahey idmoo aan anna illaawin
Habeenkaa Ataash baan murtida ku allifaayaaye
Arbow Maxamed iyo Nuurna waysku arki doonnaaye”.
W/Q: Nuur Ileeye