Islaantaa yar ee Khadiija waan garanayey in minbarka masjidkaa sigis istireed lagu soo qaadayo sawir badnaateeda.

0
72

Umal waa nin fariid ah, oo ka hadla arrimaha waaweyn ee qadiyadaha bulshada anfaca Maansha allaah, dumarow idinkuna is astur, Umalow adiguna dhammaan arrimaha oo dhan ka hadal baarakalaahu fiik, oo wiliba kacdoonka shacabka taageer ee ka socda Soomaaliya kalmad u dheh.

Xijaabku waa waajib ilaahay ina faray, dhibtisu waa qolada Ictisaam iyo taageerayaashooda oo aan runta isu sheegin, oo arrimaha waaweyn ka soo hormariya arrimaha farciga ah. Ilaa hadda wax ayna fahmin”فقه الاولويات“

fahanka kala horumarinta arrimaha.

“من يُرِدِ الله به خيرا يُفَقِّهْهُ في الدين».متفق عليه

Advertisement

Qofkii ilaahay khayr la doono diintuu fahansiiyaa, hadda fahankan maaha halkan loo jeedaa in aad macnaha weedhaha oo kaliya fahantid, waa fahanka wax waliba halka ay mubaasibka ku yihiin oo aad dhigtid, waana Xikmadda la sheego, markan oo kale waxay ahayd minbarka Sigis istireed in lagu rifo arsinaal iyo dhibta ay bushada ku hayaan la baariko hawsha macwislay iyo dadka gadooday, markaa si Istikraak ah loo soo qaato in dumarka Soomaaliyeed ee mas’uuliyada hayaa ee qudwada ahi is asturaan, xijaabku waa waajib gabadh kasta oo muslimad ahi waa in ay is asturtaa, waayo qadiyada nabad galyada ayaa maanta Soomaali u ah mawduuca ugu muhiimsan ee laga hadlo, waxa kale oo dhan waa haamishi.

Waxaan kula talinayaa akhyaartaas in ay caalimka weyn ee Shiikh Yuusuf Alqardaawi Buuga uu ka qoray “في فقه الأولويات ” akhristaan.

Waa laba 200 oo bog, waxaan hubaa in ay waxbadan ka fahmayaan, waayo waa caalim mucaasira oo wax badan fahansan, 100 buug ka badan ayuu qoray, waxaa Ictisaam Soomaaliya buuqayaan nin hal kitaab qoray oo laga faa’iidey kuma jiro ama AfSoomaali ha noqdo ama Af Carabiye, maktabadaha guryaha u dhexyaalaa waa wada kutub iyo afkaar dad kale qoreen, waar bal kitaabkaana ku darsada si uu idiinku qurxiyo maktabadaha iyo fikirka kolay waxbadan waan hubaayoo waad ka faa’iideysaan ama waxaad tidhaahdaan maaha Salafi ee waa Ikhwaani.

Waxaan hablaha Soomaaliyeed ee walaalaheen kula dardaarmayaa in ay xijaabkooda gaws danbeedka ku qabsadaan.

بارك الله فيكم وسدد خطاكم

W/Q: Asad Caddaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here