Itoobiya: Golaha Ammaanka oo ku baaqay in la joojiyo colaadda

0
372

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay inay aad uga walaacsan yihiin colaadda sii xumaanaysa ee Itoobiya, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin.

Xubnaha ururkan “waxay ku baaqayaan in la joojiyo colaada iyo in laga wada xaajoodo xabbad joojin waarta,” ayay ku yiraahdeen bayaan wadajir ah oo uu saxaafadda u akhriyay safiirka Mexico u fadhiya Qaramada Midoobay Juan Ramon. Waxay sidoo kale ku baaqeen “in la abuuro shuruudo lagu bilaabayo wada-hadal qaran oo loo dhan yahay oo Itoobiya si loo xalliyo xiisadda.

Kulan kale oo goluhu yeelan lahaa oo loo ballansanaa jimcaha ayaa dib loo dhigay ilaa Isniinta.

Hase yeeshee 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kuwaas oo ku dhibtooday inay ku heshiiyaan mawqif midaysan, ayaa bayaankan soo saaray, xilli sannad uu dagaal ka aloosnaa dalkaas, ayna fallaagadu ku hanjabeen inay geli doonaan Addis Ababa.

Advertisement

Waxay si gaar ah u muujiyeen walaaca ay ka qabaan kordhinta iyo xoojinta iska horimaadyada militari ee ka socda waqooyiga Itoobiya, iyo sidoo kale “Saameynta colaadda ee xaaladda bini’aadantinimo” iyo “xasiloonida dalka iyo guud ahaan gobolka”.

Golaha Ammaanku waxa kale oo ay xaqiijiyeen in ay taageersan yihiin “Midnimada dhuleed iyo midnimada dal ahaaneed ee Itoobiya”.

Walwaal.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here