Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saaray tallaalka la keenay Soomaaliya?

0
40

Muqdisho (Walwaal.com)- Ururka Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay isticmaalaan tallaalka cusub ee AstraZeneca oo dhawaan la keenay Soomaaliya.

Waxay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka, iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogagga warbaahinta taabacsan kooxda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dowladda aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalkan la sheegay in looga hortago cudurka Coronavirus.

Waxay shacabka ugu baaqeen inay Alle baryaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar u leh cudurkaan dunida ku wada faafay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here