Muqdisho (Walwaal.com)- Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka baarlamaanka Golaha Shacabka oo maanta loo ballansanaa.
Shirka ayaa waxaa guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mural, waxaana marti ku ah wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.
Ajendaha kulanka ayaana ah arrimahan:
1-Covid-19
2-U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha
3-U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka
Waxaa kulanka ka maqan xildhibaano 15, kuwaasi oo laga joojiyay ka qeyb-galka shirarka baarlamaanka muddo 5 cisho ah.
Wixii ka soo kordha kala soco halkan