Kulankii Golaha Shacabka oo soo dhammaaday iyo xubno lagu ansaxiyay

0
51

Muqdisho (Walwaal.com)- Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku soo dhammaaday fadhigii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaiya, iyada oo looga hadlay xaaladda Coronavirus ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qeyb gallay wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka ayaa xildhibaanada uga warbixisay xaaladda Covid-19 ee gudaha dalka.

Wasiirka caafimaadka soomaaliya ayaa sheegtay in shaqaalaha safka hore ee caafimaadka cabsi xooggan ay ka muujiyeen talaalka Astarazenec ee dhowaan dalka la keenay.

Advertisement

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeysay ruuxii qaadan tallaalka maalmaha soo socda, uu waayi doonaan shaqadiisa.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ayaa maanta ansixiyay, Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdulaahi Xamza oo ka mid noqonaya xubnaha guddiga Madaxa Banaan ee Xudduudaha iyo Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here