Maanta oo kale 4 sanadood hortood

0
24

Muqdisho (Walwaal Online)- Maanta oo kale afar sano ka hor (23 February 2017 ) Xasan Cali Kheyre ayaa loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, 15 maalmood kaddib markii Madaxweyne Farmaajo loo doortay xilka Madaxweynaha.

Magacaabida Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxay aheyd lama filaan, waxaa uu ka soo baxay meel aan la fileyn, sababtoo ah wuxuu ka mid ahaa saaxibada aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, kana mid ahaa raggii wax ka waday Ololihiisii doorashada, hadana waxay si hoose iskula socdeen raggii ugu tunka weynaa Ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaa la sheegaa in saaxib dhow ay ahaayeen Fahad Yaasiin.

Xasan Cali Kheyre oo hadda ah Musharax Madaxweyne waxaa xilka laga qaaday 25 July 2020, qaab ka duwan xil ka qaadistii Ra’iisul wasaarayaashii, qaab fowdo iyo kala tuur ayaa xilka looga qaaday, inkastoo habeenimadii Sabtida saacado kaddib markii xil ka qaadistiisa aqbalay Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qabtay shir jaraa’id oo uu isku casilay, isagoo sharci darro ku tilmaamay qaabki Baarlamaanka u riday oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed.

Haddaba Xasan Cali Kheyre ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa dowladdihii burburkii kaddib la soo dhisay Dowladihii KMG iyo dowladdii rasmiga aheyd kaddib 2012.

Advertisement

Cali Maxamed Geeddi ayaa ahaa Ra’iisul Wasaaraha ugu waqtiga dheeraa Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray Soomaaliya xilligii Kumeel gaarka, laga soo bilaabo dowladdii lagu soo dhisay Kenya sanadkii 2004, Cali Maxamed Geeddi muddo saddex sano ayuu xilka hayay laga soo bilaabo 2004-2007-dii

Cumar C/rashiid oo labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa markii labaad oo xilka Ra’iisul Wasaare loo magacaabay waxaa uu xafiiska joogay labo sano iyo labo bilood (December 2014 illaa February 2017)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here