MASIIRKAYGA IYO KA UBADKAYGA MAJIRTO CIDAAN KUQANCINAYO AMA KU RAALIGELINAYO!

0
21

Aniga iyo inbadan oo kamida ehelkayga iyo asxaabtayda kasoo jeeda Burco iyo Hargaysa aannu mid islafahano, walaalayaal ama awoowayaal waxaa dhaba inaynu ehel nahay taasi innaguma qasbayso inaynu isku aragti kanoqono mustaqbalkeena iyo kan ubadkeena, idinkuna waxaad jeceshihiin inaad Soomali ka go’daan oo aad noqotaan dal madax banaan inkasta oo aan midnimada u arko inay ka faa’iido badantahay kala taga haddana waxaan aaminsanahay inaan doonistiina aan lagu hor istaagi karin jujuub iyo dagaal toona.

Sidaa silamida dadka aan kasoo jeedo ee reer SSC ama Dhulbahante waxay doonayaan ta aad jeceshihiin caksigeeda oo midnimada Soomaliya ah waana wax ay xaq u leeyihiin oo aanay cidna marti uga ahayn. Halkaas kolkay joogto waxaan lakulmay dad badan oo aanu ehel iyo asxaaba nahay oo kudoodaya maxaa kugu kelifaya inaad dadka aad ehelka tihiin inaad hadalo xanafleh ama wax iskahorkaanaya aad tidhaahdo. Dadka aanu ehelka nahay majecli inay qodixi muddo ama ay dhibi gaadho, lagu duulo, laqixiyo, madaxa looduubto oo lalaayo, layidhaahdo qasab baad Soomaaliya kunoqonaysan, dhulkaa guura ee dadku maguuro ee Soomaliya kaguura. Intaasi waa inta dadkayga lagu hayo.

Markay halkaas joogto ma suurtagalayso inaan mustaqbalka ilmahayga uga tanaasulo oo aan u hibeeyo qofkale raaligelintiisa. Haddaan sameeyana waxaan noqonayaa dayuus aanay ilaahay agtiisa waxba u oolin ummaddiisuna ifka iyo iilka kuujoogaba kunacdali doonto.

Somaliland iyo goosashadiina anaa u horeeya qofka aqoonsanaya halse joojiya oo dalka intiina lago’a culayskana iskayareeya. Majirto dunida cid lakhasbi karaa.

Advertisement

Hala ha ilaawina maamulka Somaliland haddii aanay goboladayda iyo deegaankayga aanay baadil kusheeganayn tacadina kuhayn magaceeda masoo qaadeen idinna idinma dhibteen ee eheloow aynu islafahano halka sartu kaqudhuntay.

Xigasho: degelka Maxamed Ismaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here