Maxaa iska keenna bedelay?

0
75

Sanadkii 1880 Wakiilkii Ingriiska u joogay Yaman ayaa Damcay in uu kala wareego Dowladii Cuthmaniyiinta ee Turkiga ee xamayay Xeebaha waqooyi ee Somaliya.( F.S: 1aad)

Waliilka Ingriisku waxa uu rabay in uu halkaa ka iibsado Xoolo iyo Raashin uu siiyo Ciidamadiisa Joogo Yaman.waa ka hor intii uuna si buuxdo u qabsan igriisku Xeebaha Somalida oo dhan.( F S: 2aad)

Xiriiro uu la sameeyay Somalida kadib ayuu Warqad u qoray Wasaaradii Arimaha Dibadda ee Ingriiska. Waxa uuna ku yiri: Markii aan la xiriiray Qabaailka Somalida waxaan ogaaday:

1. Malahan Hal Qof oo Hogaan ah oo Go’aanka ugu dambeeyo ka go’.

Advertisement

2. Ma jiro wax ey isku raaci karaan.

3. Mana fulinayaan Ballanta lala galo.

A. Sadaxdaa Sifo ee uu nagu shegay ma beentiisbaa? weli ma leenahay mise waxbaa iska keena bedelay?.

B. ( Maxaan Xal uga gaari la’nahay Dhibaatada na heeysato Maanta?)

FG: Anigu Jawaab waan u waayay. Haddii aan waayo Qof iiga Jawaabto, waxaan isla Su’aalaha u gudbinayaa, mid ka mid ah Noolaha kale ee Dalka nala joogo, bal in uu ka soo fikiro.( F. S: 3aad)

Ar saan aan isku dhaano.!!!!!!!

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here