Maxaa ka soo baxay kulankii M/weyne Deni & James Swan iyo hal arrin oo lagu canaantay Puntland

0
65

Walwaal Online; (Garoowe)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Agaasimayaal iyo saraakiil katirsan aqalka madaxtooyada Puntland ayaa goob joog ka ahaa kulankaan oo lagu gorfaynayey xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka dalka ee 2021, ammaanka iyo wadashaqaynta Puntland & Qaramada Midoobey.

Madaxweyn Deni ayaa James Swan u soo bandhigay aragtida Puntland ee ku aadan doorashada Soomaaliya, tabashada ay Puntland qabto, eedaymo uu u jeediyey Villa Somalia iyo sababaha uu u fuli waayey heshiiskii dhammaadkii 2020 lagu gaarey magaalada Muqdisho.

James Swan, oo ka garaabay tabashada Puntland iyo dibu-dhacyada doorashada Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne Deni ku canaantay in aysan siyaasiyiintu samayn tanaasul dheeraad ah si looga gudbo marxaladda adag ee wadanku ku sugan yahay.

Advertisement

Qaramada Midoobey waxa ay u sheegtay madaxweynaha Puntland in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ay isu yimaadaan heshiisna ka gaaraan qodobada keenay dibu-dhaca doorashooyinka barlamaanka iyo madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here