Midowga Afrika oo guddi u magacaabay colaada ka aloosan Itoobiya

0
17
An Ethiopians who fled war in Tigray region, looks through a wire fence as he arrives to receive relief supplies from the World Food Programme at the Fashaga camp on the Sudan-Ethiopia border in Al-Qadarif state, Sudan November 20, 2020. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Muqdisho (Walwaal Online)- Madaxweynaha koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo haatan ah hoggaamiyaha ururka Midowga Afrika ayaa seddax xubnood u magacaabay in ay wadahadal u furaan dowladda federaalka Itoobiya iyo is-maamulka Tigay-ga.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf oo madaxweyne ka soo noqotay dalka Liberia, Joaquim Chissano oo isna madaxweyne ka soo noqday dalka Mozambique iyo Kgalema Motlanthe,    Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqda ugu horeysa ee guddigaas, ayaa ah in dhamaan dhinacyada is-haya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta khilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya.

Arintan ayaa timi kadib markii madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here