Muddo kororsiga iyo Dagaalada Mustaqbalka.

0
58

Haa, (Madaxda Maamul Gobaleedyada). Maya, (Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada).

M M G. Ayaa Bilaabay in ey ku dhaqaaqaan wax ka mid ah wixii uu diiday Mid ka mid ahaa Faraacinadii Masar oo Boqor ahaa illaahnimana sheegatay.

Muddo kororsigu dhamaantiisba waa ballan ka bax Xaaran ah oo Dadka Cumrigooda laga xadayo iyo in aan la dhowrin wixii lagu heshiiyay, taa oo ah kali talisnimo heer Gobal ah.

Muddo kororsiga waxaa saacido Baarlamaanda oo aan Awood u leheyn in dhowraan wixii lagu heshiiyay, Shakhsiyaad aan dhowrin amaanadda Shacabku u dhiibtay iyo kuwo Dadka aan ku matali karin rabitaankooda.

Advertisement

Muddo kororsiga, Waxaa ka dhalanayo in Dadka qaar isla Maamulkooda ah oo awood Qabiil leh ey iyaguna xilka ka qaadi waayaan, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Gudoomiye degmo. Madaxda Maamul Gobaleedyadu badanaa ma jeclo in deegaanadoodu ey Gacantooda soo wada galaan, sababta oo ah waxaa ku ballaaranayo dhulka ey deganyihiin Qabiilada kale oo eynan awood ku maamuli karin.

Kacaanada ayaa dhihi jiray, Dalka ayaan u xasilineynaa, kadib ayaana qabaneynaa Doorasho, taa oo ku dhamaato in uu geeriyoodo ama Dagaal lagu eryo.

2020, Somalia Barlamaankii iyo Madaxweynihii ayaa qorsheeystay muddo kororsi, iyaga oo taageero ka helayo Maamul gobaleedyo ey sameeysteen iyo Wadamada deriskaa oo u ballan qaaday in arrintaa ey xoog ku fulin doonaan. Laakin waxaa ka hor yimid Shacabkii iyo Goballada qaar.

Africa waxaa jiro Tusaalayaal badan oo muddo kororsi ku saabsan Kuwii ugu dambeeyay ee is ku dayay Muddo kororsi waxaa ka mid ah: Zambia 2001, Malawi 2007, Nigeria 2006, Niger 2009 iyo Burkina Faso 2014, intaba laguma guuleysan waxaa diiday Dadkii waxaana dhacay Dagaalo sokeeye.

Madaxweynihii Burubdi Mr. Pierre Nkurunziza ayaa isku dayay Muddo kororsi 2015. Dad badan ayaa ku dhintay, Nus Million Muwaadin ayaana ka qaxay Dalkii.

Waxaa Dastuurkooda ku qorneyd in Madaxweynaha 2 mar la doorto, lakain markii Saddaxad si loo doorto ayuu Dastuurkii bedelay, waxa uuna yiri: Dastuurkii hore waxaa ku qornaa in Madaxweynaha in 2 mar Barlamaaku doorto, Laakin, waxaa kan cusub ku qoran in 2 mar Shacabku doorto, Aniga Hadda Shaciga cusub ee aan sameystay ayey iila bilaabanee Markii hore Baarlamaan, Hadda shacabka koow ka bilaaba. Waxa uuna khasbay Maxkamad Dastuuriga ee Dalka.

Hadda Madaxweynayaasha Ivory Coast iyo Guinea ayaa ku dasaday. Kadib markii qodobo Sharci ahaa si khaldan loo tarjumay.

Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa 2017 sameeyay farsame uu xilka ku sii hey karo illa 2034.

Ururka Midawga Africa oo shaqdiisa ey ka mid tahay in aan la aqoonsan Afgambiyada Ciidamada iyo Doorashada sharci darada ah ayaa iska indha tiray waxa dhacayo.

Somaliya, Adan Cade oo kaliya ayaa muddo xileedkiisii soo gaabiyay wakhtigiisii oo dhiman, inta kale Mudadii ka dheer ayeey joogeen ama Duruufo ayaa khasbay in ey kursiga baneeyaan mudadii oo aan la gaarin. Taa oo ku dhamaatay “in aan joogo jeclaay”.

Somaliya jawigaan cusub ee Muddo kororsiga Maamul Gobaleedyadu, wax uu mustaqbalka keeni doonaa, in sharcigii lagu heshiiyay aan la dhowrin iyo Dagaalo Qabiil iyo isbaheysi Qabiil oo isla Gobalada dhaxdooda Xoog la isku sheegto in uu dhaco.

Ka aamusnaanta Dowlada iyo Golashaasha Qaranka ayaa muujinee in iyaga laftooda uu damac ku jiro.

Ogoow, Muddo kororsi kasta, waa la sii kordhiyaa.

Ogoow, Talaabada Maanta qaloocato ee shacabku ka aamuso, Berri ayuu ku bixi doonaa dhiig badan.

Gunaanad.

1. Hala badbaadiyo Dalka ( F.S: 1 & 2aad)

2. Hala badbaadiyo Mustaqbalka jiilka dambe. ( F.S: 3aad)

3. Haddii taa la waayo waa ( F.S: 4aad)

4. Xagee naloo wadaa?. Maxaase xal ah ( F. S: 5 & 6aad)

FG: Aragtidaada xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax wixii dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here