Murti iyo falsafad hore koob. NO. 7aad

0
75

1. Caro the Elder ayaa yiri: “Worst Ruler is the one who can not rule Himself”

Hogaamiyaha ugu xun waa kan aan Naftiisa hogaamin karin.( F. S: 1aad)

( Hogaamiye waxaa ugu liito, Hogaamiye aan Xafiiskiisa Hogaamin karin)

2. Jean paul ayaa yiri: “when the Rich wages war, it’s the poor who die” ( F.S: 2aad)

Advertisement

Haddii Taajirku ficil Dagaal qaado. Qofka dhimanayo waa Faqiirka.

( waxaa jiro Dad dhibaatada Dadka kale ey Dantoodu ku jirto)

3. Nin xakiim ahaa ayaa yiri: Haka aamusin Hadalka Xaqa ah si kasta oo uu u xaraar yahay, Hadeey Afka Lijaan kaaga Dacayeeyaan oo aad aamusto, Dusha ayeey Kebad kaa saarayaan.( F.S:3aad)

( Haddii aad Xaqa ka aamusto, marka ugu dambeeyso dhibaatadu Adigeey kugu soo noqonee)

4. Thales ayaa yiri: “the most difficult thing in life is to know yourself”. ( F.S: 4aad)

Waxa nolosha ugu dhibka badan waa in aad Adigu Naftaada barato.

( Dadku Badanaa iyaga oo aan Naftooda iyo Xaaladooda aan aqoon ayeey Dad kale Xaaladiisa kaaga sheegayaan)

5. Murti Taariikheed ayaa leh: Bulshadeenu Indhaha wax kuma aragto ee Dhagaheey wax ku arkaan.( F.S: 5aad)

( Dadku Maanta, iyaga oo Arkayo waxa dhacayo ayey inkiriyaan, oo kuu sheegayaan isla Arrintii wixii ey ka maqleen)

6. Ig Myth ayaa leh: “Fuke, next chance, people never change” ( F.S: 6aad).

Maya Fursadda Labaad, Dadku isma bedelo.

( Waxaa laga yaabaa in Xildhibaannimada marka la qeybsanayo Qolo lagu qanciyo, markaan marka xigo ayaa la idin siinaa, laakin aan laga rumeeyn, ileyn Dadku waa isla Dadkii. Maya Marka Labaad)

7.Thucydides, ayaa yiri: “the secret of happiness is freedom and the secret of freedom is courage” ( F.S: 7aad)

Sirta farxadu waa xuriyadda, sirta xuriyaduna waa geesinimo.

( Qof aan Xur eheyn ma farxo, mana xuruubo Qof aan Geesi aheyn)

8. Joker ayaa yiri: “The Bees do not waste their Time to explaining to flies that Honey is better to Shit” (F.S: 8aad)

Shiniddu Wakhti kuma dhumiso in ey u sharaxdo Disxiga in Malabku ka wanaagsan yahay Xaarka.

( kuwa leh Aqoon yahan Somaliyeedoow Xaal qaado, wakhti ha ku dhumin in aad tiraa: Aqoontaa, Jahliga ka fiican)

9. Nazaar Qaabaani: Ha daneynin midka Bilaawga wanaagsan.Daney midka ilaa dhamaadka wanaagsan, Sabata oo ah mid kasta Bilawga waa wanaagsan yahay.(F.S:9aad)

( Gabdhoow, ha ku sirmin Muuqaalka Bilaawga Romantiga ah ee wanaagsan, kan kula dhameysan doono ka fikir, ogoow wax kasta Bilawga waa la wanaaji karaa)

10.Murtida kale ayaa leh: “The biggest difference between Money and Time: you always know how much money you have, but you never know how much time you have”( F.S: 10aad)

Murti kale ayaa leh: Farqiga ugu weyn ee u dhexeeyo Lacagta iyo Wakhtigu waa: Mar kasta waad taqaan inta Lacag ah ee aad heysato, laakin ma taqaanid inta Wakhti ah ee aad heysato.

( Lacagta aad heysato waad taqan, Laakin inta Wakhti ee Cumrigaaga ka dhiman ma taqaanid)

11. Abdul kalam ayaa yiri: “Never feel Sad about losing anything in life, because whenever a Tree loses a leaf. A new leaf, grow in its place”. ( F.S: 11aad)

Weligaa haka murugoon wax aad ku dhumisay Molosha, Sababta oo ah, Geedahaba marka Hal Caleen ka dhaco mid kalaa u soo baxo.

( Weligaa ha Niyad jabin)

12. Qoraal koob ayaa ahaa: If you continue to “wait until you are ready” you will be waiting for the rest of your life.( F.S: 12aad)

Haddii aad sugtid inta aad Diyaar ka noqoto, waxaad sugi doontaa inta Noloshaada ka dhiman.

( Wax kasta haddii aad tiraa markii aad Diyaar noqoto ee wax kasta isagu kaa toosaan ayaad bilaabee, ogoow weligaa bilaabi ma doontid. Gabareey/ willoow iska guurso, weligaa Arki meeysid nolol dhameeystiran. Rasuulkeena Moxamed CSW ayaa na faray in aan Guurka badino si ummaddisu ey u noqoto tan Qiyaamaha ummadaha ugu Badan)

FG: Hore waxaan u qoray Murti, ama Falsafadda Caalamka kale illaa 7 mar, tan Somalida Waalidiinteena iyo Murtileyda Somalida ayaa noo sheegayo, waxaa jiro in ka badan 6000 oo Murti iyo Falsafado Caalimiya ayaan ku keydiyay Mobile keyga, Aniga lafteeydu uma helo fursad aan ku wada Akhriyo.

Sida qaarkiin codsadeen ma idinla tahay in aan idinla wadaago oo aan ka dhigo joogto lagana sii wado No.8……Tirada markiiba meeqo Murti koob ayaan ka dhigaa, ileyn ma jeclidiin Akhriskee.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here