Murti iyo Falsafad hore Koob. NO. 8

0
41

Ogaal wadaag.

Raali ahaaw, Haddii Akhrinteeda aad ku Daasho, Aniguba soo ururinteeda waan ku daalay.

1. Sayid Cumar Bin Cabdicaziz, ayaa lagu yiri: Amiirul Mu’miniinow: Dadkii waa Ridoobeen, Akhlaaqdoodiina waa Xumaaatay, wax aan Karbaash aheynna laguma toosi karo.

Waxa uu yiri: Been ayaad Sheegteen. Waxaa lagu toosin karaa Cadaalad iyo Xaq. ( F.S: 1aad)

Advertisement

( Somaliya si loo toosiyo ameey u baahan tahay, Cadaalad iyo Xaq kaliya)

2. Saiyd Abubakar ayaa yiri: Do not look down upon any Muslim for even the most inferior believer is great in the Eyes of God.( F.S: 2aad)

Sayid Abubakar ayaa yiri: Weligaa ha liidin Qof Muslim ah, Muslimiinta kan kuula liito, waxa uu ku weyn yahay Alla agtiisa

( Weli ma aragtay Qof Muslimiinta liidayo, Gaaladuna la weyn tahay)

3. Said Cumar ayaa yiri: islam will be destroyed by the mistake of its scholars, the arguments of the Hypocrates who misinterpret the Qu’aan to support their Views and misleading Ruler.( F.S: 3aad)

Sayid Cumar ayaa yiri: Islaamka waxaa Burburinayo khalad ey galeen Culimadiisu, Dood leh ujeedo ka duwan waxa looga jeedo, Qu’raanka oo si khalad ah loo macneeyo si loogu taageero aragtiyo loogu marin habaabiyo Madaxda.

( Ar kuwaan dambe, ee Maxadda marin habaabiyo si ey ugu taageeraan Aragtidooda, waan aragnay , waxaa ka mid ah Kii )

4. Saiyd Cumar Bin khitaab ayaa la weeydiiyay, Maxaad Kacbada Maro Xariir ah ugu Dabooli weeyday. Waa diiday. Waxa uuna yiri: waxaa ka horeeyo Caloosha Muslimiinta.( F S: 4aad)

( Ar Annaga, Lacgta Tamashlaha, tan lagu dhisay Tiyaatarka iyo Taalooyinka Magaalada, Soow kama mudneyn, Caloosha Dadka soo ceyrtoobay)

5. Sayid Omar Bin khidab ayaa yiri: invite the people to Islam even without words. They said: How?. He said: your manners.( F.S: 5aad)

Sayid Cumar Bin khidab ayaa yiri: Dadka ugu yeera Islaamka, Xatta Adinka oo aan la hadlin oo aan ku dhihin hal Kalamad. Waxaa lagu yiri: Sidee? Waxa uu ku yiri: Akhlaaqdiina wanaagsan.

( Dadka Mulimiinta ah Haddii ey ka muuqato Akhlaaq iyo Hab dhaqan wanaagsan sida, Asluubta, Runta, Amanada, iwm kuwa aan Muslimka aheyn ayaa uga daysan lahaa, wanaaga oo ku islaami karo…..”Somalida la nool Dadka aan Islaamka aheyn, Ma raaceen Taladii Cumar”)

6. Saiyd Cumar Bin khidaab ayaa yiri: I fear the Day when, when the disbelievers are proud of their falsehood, and Muslims are Shy of their faith. ( F.S: 6aad)

Sayid Cumar, ayaa yiri: waxaan ka baqaa in la gaaro Maallin, Gaaladu ey ku Faanayaan Beenta ey aaminsanyihiin, Muslimiintuna ey ka Xishoodaan iimaankooda Saxda ah.

( Amaa la gaaray, wakhtigii uu Sayid Cumar ka baqayay? )

7. Nin wanaagsan oo Saalax ah oo la hadalyo Saaxiibkii ayaa yiri: Hebel Aniga ilama Fiicno. Kii kale ayaa yiri: Anigaba ilama fiicno. Saalixii ayaa yiri: Maxaan ka ognahay, Labadeenaba, in Alle Quluubteena Damiyay oo aanan Arkeeyn wanaagga kuwa Saalixiinta ah.( F.S: 7aad)

( waxaa dhici karto ,in Qof wanaagsan aad wanaagiisa arki weeydo oo aad xumaan ku tilmaanto, ma dhici kartoo in Xumaatuba ey tahay sida indhahaaga iyo garaadkaagu wax u arkaan oo kaliya lagaana qariyay wanaaga Qofkaa, Alla, ka bari in uu wanaaga iyo xumaanta ku kala tuso)

8. Sayid Cumar ayaa yiri: Dadka ula dhaqma sida idiinkaga muuqato Dhaqankooda, Allaah, ayaa tawaliya oo og waxa Qalbigooda ku jiro.( F.S: 8aad)

( Meeqa Qof ayaa wax ey u jeedaan ku leh sidaa ma ahan, ee sidaa aan muuqan ayaa looga jeedaa)

9. Sayid Cali, ayaa yiri: Dad waxaa u Shar badan, Qofka haddii looga cudur daarto gaf laga galay aan Aqbaleeyn. Godobtii laga galayna aan Cafineyn. ( F.S: 9aad)

( kuwaa weli ma la kulantay?)

10. Saiyd Cali, oo Habeen la fadhiyo Asxaabtiisii ayaa Daberylu timid, waxaana ka damay Shumacii. Sayid Cali ayaa istagaay oo shiday Shumacii.

Waxa ey ku yiraahdeen: Amiirul Mu’miniinoow, Haddii mid naga mid ah aad amri leheyd isagaa Sameeyn lahaa.

Waxaa uu ku yiri: Dhib miyaa iga soo gaaray?. Waan istaagay Aniga oo Cali ah, waxaana soo noqday Aniga oo Cali ah.( F.S: 10aad)

( Madaxdeena Maantu, iftiinka shumaca iyo Faaruqa Jeebka, ma noo ifiyaan oo jeebka ma u buuxuyaan Masakiinta. Mise iyagaa is nuuriyo oo jeebka buuxsado)

11. Murti hore ayaa leh: Beautiful Faces are Every where, but beautiful Minds are hard to find.( F.S: 11aad)

Murti hore ayaa leh: Waji qurxan waxaad ka helee meel kasta, Laakin in aad hesho Maskaxyo/ Caqliyo qurxan wey Adagtahay.

( make up, miyuu ka wadaa? Maya)

12. Cicero ayaa yiri:Any man can make mistakes, but only an idiot persists his errors ( F.S: 12aad)

Cicero ayaa yiri: Qof kasta khalad waa gali karaa. Laakin Doqonka oo kaliya ayaa ku adkeysto khaladkiisa.

( Siyaasiyiinteenu, khaladka kuwii ka horeeyay iyo iyagu key galeen miyeey ku adkeeystaan? Doqon miyaa? Anigu ma dhihin ee Adigu ha u gafin Madaxda)

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here