Qofkii wax dila in la qisaaso sharciga ayaa qaba

0
48

Muqdisho (Walwaal Online)- Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun kuridey Eedeysane Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Waxaana lagu soo eedeeyey inuu dhowaan qof shacab ah uu ku diley gudaha suuqa weyn ee Magaalada Baydhabo.Saa ka ayaa loo fadhiistey dacwo ciqaabeedkiisa.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqey in lagu xakumey dil toogasho kadib markii ay ku cadaatey dilka uugeystey.

Dhanka kale Taliyaha qeybta Ciidamada   Booliska Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa  Digniin u direy Ciidamada qalabka sida gaar ahaan Ciidamada Booliska  Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qorigooda ka adkaadaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here