Sahamin oo ay samaysay Jimciyadda Qalliinada isqurxinta ee Maraykanka

0
405

Dhakhtar Maraykan ah oo ku xeeldheer Qalniinka ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in qofka dhererkiisa la kordhiyo qiyaas ah 7 illaa 15 sentimitir, haddii uu halkii sentimitir ee kasta ku bixin karo 10 kun oo doolar.

Dr. Kevin Debiparshad, aasaasaha Maxadka ‘LimbplastX’oo shaqadiisu tahay daraasaynta iyo ka shaqaynta kordhinta dhererka dadka, ayaa sheegay in macaamiisha uu u adeegaa ay u badan yihiin rag ah kuwa ka shaqeeya Teknoolajiyada, maalqabeenno, agaasimeyaasha, wakiillada iyo masuuliyiinta sare ee shirkadaha waaweyn ee ganacsiga iyo maaliyadda, waxa uu si gaar ah u magacaabay Injineerrada shirkadaha Google, Meta, Amazon, iyo Microsoft oo ugu badan dadka uu dhererkooda kordhiyey.

Sahamin oo ay samaysay Jimciyadda Qalliinada isqurxinta ee Maraykanka ayaa lagu ogaaday in ay isbeddeshay aragtidii diidmada ahayd ee ay raggu hore uga haysan jireen is qurxinta, sannadihii u dambeeyeyna ay boqolkiiba 325 kordheen ragga loogu shaqeeyo goobaha lagu sameeyo qalliinada isqurxinta.

Warbixin uu wargeyska ‘Washington Post’ arrintan ka qorayna waxa uu ku sheegay in ay sii kordhayso tirada ragga samaynaya qalliinada qurxinta wejiga, ilka buuxsiga, isku Daweynta laysarka iyo farsamooyinka lagu dhiirrigeliyo xaddiga barootiinka Collagen ee jidhku soo daayo.

Advertisement

Sida ay xeeldheereyaashu sheegeen qaabka dhererka qofka loo kordhinayaa waa in la jebiyo Lafaha bawdyaha, kaddibna la geliyo biro teknoolajiyad ku shaqaynaya oo kala bixi kara qiyaas xaddidan oo aanay dib uga soo noqonayn. Birahaas ayaa uu dhakhtarku muddo saddex bilood ah maalin kasta kor u kala bixinayaa, isaga oo adeegsanaya qalab (Remote) meel durugsan laga adeegsan karo.

Dhawr bilood ayaa ay qaadanaysaa qalliinka iyo hawlaha kale ee dherer kordhinta, iyo soo kabashada dambe ee labada lugood, iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 75 illaa 150 kun oo doolar oo ku xidhan hadba qiyaasta la kordhiyo.

Dr. Kevin Debiparshad waxa uu sheegay in ay khataro caafimaad darro ka iman karaan qalliinka noocan ah; waxaa ka mid ah in burbur iyo milan aan laga soo kabani uu ku dhaco neerfayaasha, in xagluhu tawafaan, kaar iyo garaac joogto noqda, iyo sambabada oo xidhma. Waxa aanu is gaar ah ugu digay ciyaartoyga oo ay suurtagal tahay in qalliinkani uu saamayn taban ku yeesho awooddooda ciyaareed.

Dadka qalliinada is qurxinta ah samaynaya ayaa sannadihii u dambeeyey dunida aad ugu soo badanaya, laakiin muddooyinkii hore waxaa ay ku koobnayd dad doonaya in wejiga loo giijiyo si coodh-coodhka loogala dagaalamo, kuwa sanka lagu qurxiyo iwm.

Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here