Sawirka iyo qoraalka shaqo iskuma laha

0
44

Hada ka hor filin Cowboy ah oo aan daawanaayay, baa mid ka mid ah laadariinta wuxuu xabad ku bilaabaayaa cid meel baadiye ah dagan. Labo cunug, hooyadii iyo aabihii oo meel mus ah isku kuusay cabsi darteed ayuu guriga ugu soo galaayaa.

Odaygi reer ka ayaa dhahaayo “waa ku baryeynaa fadlan hana dilin wax kasto waan ku siineynaa ee maxaad rabtaa?”. Waxuu ugu jawaabaayaa “Biyo ma idiin yaalaan?”. Odaygi ayaa dhahaayo “Haa waliba booyado xitaa waa ku siin karnaa ceel ayaa guriga noogu yaal”. Laadarki wuxuu dhahaayaa “Galaas biyo ah hala i siiyo”. Biyaha marka la siiyo oo u cabo wuu iska baxaayaa.

Cidi waxeey la noqoneysaa la yaab, wiil yar oo 10 jir ah ayaa aabihiis ku weydiinaayo, “Aabe biyaha waa waxa ugu fudud ee la is weydiiso, hadii uu biyo kaliya rabo muxuu noo weydiisan waayay asigoon xabad ridin oo aanan nafteena khalkhal galin”.

Odaygi wuxuu ku jawaabaayaa, “I don’t know”. (Ani Ma Ogi)

Advertisement

W/Q: Bisle Xasan Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here