Sheekhaygii AHUN Sh. Cabdinaasir X. Axmed, xilliyada adag wuxuu bulshadiisa u ahaa tiir adag oo aan loo dhaafi karin, cadawga dadkiisana wuxuu u ahaa aabi ay ku adagtahay inay hareer maraan. Wuxuu sababsaday oo naftiisa ku waayay: maxaad dilalka qorshaysan ee SNM Laascaanood ka geysato uga hadashaa, maxaa dhibaatooyinka Laascaanood ka jira ee argagixisada SNM ka fuliso aad u bayaamisaa.
Dadka reer Laascaanood waxay diyaar u yihiin, illaa kooda u danbeeya inay maraan waddadii uu Sheekhoodu maray.
Sheekhul-baladkii booska AHUN Sheekh Cabdinaasir galay war iyo wacaal yaa ka haya!!!? Aniga waxaa iigu danbeysay isagoo maalin buug uu qoray Hargeysa kusoo bandhigaya.
W/Q: Abdifatah Baaruud