Shiikh Maxamed Cabdi Umal Alle ha xafido shiikh Soomaaliyeed oo ku mustawa ah, cilmi iyo fahan diimeed kula tartami kara waa yar yahay.

0
65

Xadiithki Nabiga SCW ma cid inkiri karta ayaa jirta ”Ilaahey wuu lacnaday Raga isku ekeysiiya Dumarka, iyo Dumarka isku ekeysiiya Raga”

Xadiithkaas ma cid gaar ah ayuu taabanayaa? Qof masuul ah oo laga yaabo in dad badan ku daydaan in farta lagu fiiqo dhaqan xumada caadiga laga sii dhiganayo fariintaas waan ku taageersanahay.

Waxaan kaloo arkay dad qabyaalad madax martay oo leh ”maa heblaayana laga hadlo”

War heedhe maxey is dhaamaan waa dameer iyo labadiisa dhagood (kii sameeya iyo kii taageeraba).

Advertisement

Ugu dambeyn qof kasta wadaadka uu wax ka dhageysan karo haka dhageysto, Soomaaliya dagaal qarsoon baa ka jiro waana #Fikir diimeed. Qof baad arkeysaa mid quraafaad daldalaya ayuu ku leeyahay waa shiikheyga. Kii Xikmada iyo Cilmiga Alle ugu deeqay ee xaqa ku taagnaana waa la mucaaradayaa.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal Alle ha xafido shiikh Soomaaliyeed oo ku mustawa ah, cilmi iyo fahan diimeed kula tartami kara waa yar yahay.

Culimada oo dhan xushmad baan u haayaa. Inta wadada xun ku socotana Allaha soo hanuunsho.

W/Q: Ahmed Abdikarim waayo-arag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here