Shir Deg deg ah oo ay isugu imaanayaa Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada Dalka.

0
77

Muqdisho (Walwaal Online)- labada maalin ee socota ayaa lagu wadaa in ay shir iskugu yimaadaan Madaxda Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada kaasi oo ka dhici doona Xerada Xalane.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco Maalinta Talaadada Ama Arbacada kaas oo looga hadli doono arimaha doorashooyinka oo xiligan muran xooggan ka taagan yahay.

Midowga musharaxiinta lama oga in ay ka qeyb geli doonaan shirkaasi iyo in kale balse xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa ii xaqiijiyey in shirkaasi inta badan  ay ka qeyb geli doonaan maamulada dalka ka jira madaxdooda.

Waxyaabaha lagu wado in ay si gaar ah madaxdu uga wada hadasho waxaa kamid ah arinta Gobolka Gedo, heshiiskii lagu gaaray 17 sem ee sanadkii 2020kii Magaalada Muqdisho in la dhameystiro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here